
Kooxda Difaacan Horyaalka Ee Manchester United ayaa ku bilowday Horyaalka Guul iyada oo Hal gool iyo waxba uga guuleysatay Kooxda Ka dhisan Caasimada labaad ee Ingiriiska Waa Birmingham’e
United ayaa Goolka kaliya ee guushu ku raacday waxa u dhaliyey xiddiga Kooxda Wayne Rooney daqiiqadii 34 ee qeybta hore ee Ciyaarta, in kasta oo fursado Goolal lagu dhalin karo soo mareen kooxda United, kuwas oo dhamaan aay dayaceen haddana Birmingham ma helin fursad aay gool ku dhaliso oo wanaagsan marka laga reebo Hal kubad oo u ka soo bixiyey Goolka Meel u dhow Patrick Evra oo difaaca uga ciyaara United
Guushan ayaa ugu fadhida Tababare Alex Ferguson Qiima weyn madama u bilowgii Horyaaladii hore ku furay Dhamaan Ciyaaro liita hadana sanadka ayaa la dhahi kara waxa u ku soo galay dar dar xoog leh
Filed under: Uncategorized