Wararkii ugu dambeeyey ee dunida – Somalifans Online


Online

Iran – Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei Ayaa maanta u magacaabay Gudoomiyaha Golaha Garsoorka Dalka Iran Sadeq Larijani oo aay Walaalo Yahiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran Md. Ali Larijani

yagon3

Sadeq Larijani ayaa xilkan loo magacaabay waxa u kala wareegi doona Ayatollah Mohamud Hashemi Shahroudi oo isagu muddo toban sanno ah xilkaasi soo hayey

Qoyska Reer Larijani ayaa ah kuwa muddoyinkan dambe siyaasada Dalka Iran aad uga dhexmuqada

Myanmar – Senator Jim Webb oo ka tirsan Golaha Senat-ka dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay inu muwadiin dalka Mareykanka u dhashay dib ugu soo celiyo xorriyadiisi kadib markii Xukuumadda Mulatariga ee dalka Myanmar ku xukuntay Xarig 18 Sano ah

Yagon1

Kulan u maanta kula qatay Caasimadii hore ee Yangon Hoggaamiyaha Mulatariga dalkaasi Than Shwe oo socday Muddo 45 Daqiiqo ah Ayuu kaga aqbalay Codsi uu u jeediyey oo aha In Xabsiga loga sii daayo John Yettaw oo u dhashay dalka Mareykanka ahna 54 sano jir, Ninkaasi oo hore dabaal ugu tegay Guriga Hoggaamiyaha Xabsi guriga ku jirta ee Aung Sn Suu Kyi, isaga oo ka mid aha Taageerayaasha gabadha Isbedel Doonka ah

yagon

Senator Jimm Webb ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda Myanmar Sidaa aay uga aqbashay Codsiga u ku doonayey in la sii daayo Muwadiinka u dhashay dalka Mareykanka ee Xukunka Maxkamadu ku riday, Jimm Webb Iyo John Yettaw ayaa la filaya inay maalinimada beri ah dib ugu laabtan dalka Mareykanka

Ciraaq – Ra’iisal Wasaaraha dalka Ciraaq Nuri al-Maliki oo maanta ka hadlayey Shir weyne aay isagu yimadeen Hoggaamiye-yaal Qabiil ayuu ka digniin ugu diray Shacabka dalka Iraq inay dhacaan Qaraxyo kale oo Ismidaamiin ah

yagon2

Al-Maliki ayaa u sheegay Odayaasha in bisha soo socota laga yaabo in dalka Ciraaq aay kusoo bataan Qaraxyada Ismidaamiinta ah, Bisha soo socota ayaa la filaya in dalka Ciraaq aay ka dhacdo doorasho Baarlamaani ah

 

Yusufcali@hotmail.co.uk

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers