
Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID ayaa maanta ku dhawaaqay guddi wada-jir ah oo midaysan , kuwaas oo ka hawl-geli doona sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah.
Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad oo maanta si wada-jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in guddidan oo ay guddoominayaan labada Guddoomiye Xisbi ee Kulmiye iyo UCID. Isla markaana ay xubno ka yihiin 12 xubnood oo ka kala tirsan labada Xisbi
Guddoonka labada Xisbi Mucaarad waxay sheegeen in ay Mucaarad ahaan taageersan yihiin go’aanadii Golaha Wakiiladu ka soo saareen xaaladda dalka. Waxaanay sheegeen in inkasta oo ay diyaar u yihiin Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu galo Diiwaangelin inay dalka ka dhacdo, haddana ay taageersan yihiin go’aankii ka soo baxay Guddidii dhexdhexaadinta ee u dambaysay ee ahaa in aanay muddo-kordhin dambe dhicin. Waxa kale oo ay Shirkaa Jaraa’id ka sheegeen in maalinta Salaasada ee foodda inagu soo haysa ay dalka ku qaban doonaan isu-soo-baxyo dadweyne.
Magacyada Xubnaha Guddida:
Kulmiye
Muj Axmed Maxamed (Siilaanyo)
Muj Muuse Biixi Cabdi
Keyse Xasan Cige
Maxamed Kaahin Axmed
Siciid Cilmi Rooble
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Maxamed Muuse Abees
Ucid
Eng Faysal Cali Waraabe
Aadan Maxamed Waqaf
Axmed Xuseen Fag-fagaash
Maxamed Rashiid Sh. Xasan
Maxamed Xasan Baashe
Xasan Xuseen Codyare
Keyse Cali Geeddi
Isha Warka Somaliland.Org
Filed under: Wararka