Horyaalka Ingiriiska oo dib u furmi doona Maanta


Kadib waqti muddo labo bilood ah oo u sii toos u xirna Horyaalka English Primier Ship ayaa maanta dib u furmi doona, iyada oo kulanka ugu horeeya ee horyaalka Lagu furi doono Kooxaha Chelsea Iyo Hull City

Kooxda Horyaalka difaacan ee Manchester United ayaa iyadu maalinimada beri ah ciyaari doonta, iyada oo la kulmi doonta kooxda Heerka hoose ka timid ee Birmingham, Horyaalka Ingiriiska ee sanadkan ayaa ah mid aad u kulul waxana soo baxay kooxo cusub oo xiligan loga baqsan yahay Lolanka Horyaalka, waxana ka mid ah kooxda Manchester City oo iyada aay iibsatay Shirkaad laga leyahay wadanka Imaratka carabta, kooxda oo la wareegtay xiddigo badan oo u ka mid yahay Carlos Tevez iyo waliba Emanuel Adebayor iyo kuwa kale oo badan

Sidoo kale kooxaha laga cabsi qabo waxa ka mid ah Aston Villa iyo waliba Everton oo ka kala dhisan Magaaloyiinka Liverpool iyo Birmingham, Sanadkan ayaa la dhahi kara Horyaalka Ingiriisku waa mid xamaasad gaar ah leh

Iyada oo aay isagu yimadeen Xiddigo badan oo ku cusub sanadkan horyaalka Dalka Ingiriiska iyo waliba Tababarayaal calaami ah oo aad loga yaqaano dunida, Sanadkan ayaa horyaalka lagu furi doona Hal daqiiqo oo amuus ah taasi oo lagu xuusi doono Bobby Robson oo ka mid aha Macalimiinta tariikhda dheer ku leh Horyaalka Primier League

Haddaba Waxa Kooxahu isku arki doonan Maanta iyo Beri Sidaan Soo Socota

 

Sabti 15 August 2009

Chelsea v Hull City 12:45

Aston Villa v Wigan Athletic 15:00

Blackburn v Manchester City 15:00

Bolton v Sunderland 15:00

Portsmouth v Fulham 15:00

Stoke City v Burnley 15:00

Wolves v West Ham Utd 15:00

Everton v Arsenal 17:30

Axad 16 August 2009

Man Utd v Birmingham 13:30

Tottenham v Liverpool 16:00

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers