
FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Halkaan ka akhriso qeybtii Tan ka Horeysay
Boowe waa sidee xaalkaaga? Markaas ayaan ku dhahay waan fiicanahay, Waxay igu tiri waxaa il joogto jaceylkaaga iyo gabar kale oo aan saaxiibo nahay, Markaas ayaan ku dhahay ”Abaayo i dhiib jaceylkeyaga Ayaamahan lama aan hadlini, Markaas ayey iigu dhiibtay waxaana ku dhahay, ”Abaayo waa sidee Xaalkaaga”, Isla markii waxay igu jawaabtay, ”Waryaa mar dambe teleefoon ha ii soo dirin, warkaaga ma rabee” Isla markiina waa teleefoonkii ayey igu damisay, anigoo u mooday in ay igu ciyaareyso ayaan mar labaad Teleefoonki ku celiyey, Waxaana iga qabatay Gabadhii ay saaxiibada ahaayeen waxaana ku dhahay waxaad iigu dhiibta jaceelkeyga, Markaas ayey i dhahday ”Waa aay diiday in ay kula hadasho, waxana ku dhahay ma ii sheegi karta sababtaas, waxayna igu tiri ”Aniga arrinkaa wax kala ma socdo, Taleefoonkiina way igu damisay, Anigii miirkii ayaa iga tagay, waxaan galay fikir weyn anigoo is weydiiyey dhowr su’aal oo ay ka mid ahaayeen, Tolow maxaa dhacay oo jirra?, maxaan ka samiiyey oo ku dhacay? tolow amey gabadhahaas kugu direyn?, Markaas ayaan is ku qanciyey in wixii jira ay soo bixi doonan, waxa la gaaray xilligii aan aadi lahaa xaafadeeda, waan soo baxay waxaan soo aaday dhinicii Xaafadeeda, Markaan imaaday xaafadii ayaan waxaa i arkay Anigoo murugeysan wiil aan walaalo nahay markaas ayuu iga yiri ”Maxaa jyfy dgacat i aad la fikireysaa?!!!,
Markaas ayaan u sheegay wixii igu dhacay, markaas kadib anigoo kaligey meel fadhiya waxaa igu soo dhacday heestii calaacalka aheyd ee uu ku luuqeeynayey Fanaanka caanka ah ee Bashiir Cali Xuseen oo ay aheyd sidan
Muddo badan ayaan waday
Maaweylada Naftaadee
Kuu Miraayey hadalkee
Si aan kuu maqsuusdiyo Meermeerinayey
Anoo mooday xaajadu
Meel wacan iney inoo mareyso
Meher kaliya noo haray
Ayaad muran ka taagtoo
Macsalaamo igu tiri
Kaamana muteysan
Axdi aad u meel dayan
Waxaa dhaanto Mayadee
…. 00……00…00…00
Filanmeyn maryaney
Marna ka fileyn
Inaad maya i ledahay
Wallow maantay aad itiri
Haddaad mooday caashaqu
Maalma qura inu yahay
Micnihiisu maad garan
Maaweeliyo cayaar baad
Moodeysaa adiguye
Intuusan igu maaxan
Micida igu adkeysan
Mahadhadiisa igu badan
Mid kalaan la heystaa
Marna imaadan Oran
Uurkoo barigaad
Afka malab ka yeeshoo
Isku kee micneysoo
Murugaan i heyn iyo
Mushkilo igu abuurtee
Misna muran ka taagtoo
Macsalaamo igu tiri
Kaamana muteysan
Axdi aad u meel dayan
Waxaa dhaanta mayade
… 00 …. 00 ….. 00
Filanmeyn maryeney
Marna kaama filaneyn
Inaad maya i leedahay
Wallow maantay aad i tiri
Haddaad mooday caashaqu
Maalma qura inoo yahay
Micnihiisa maad garan
Maaweeliyo Cayaar baad
Moodeysa Adiguye.
Aah !! Aah !! Waxaadba moodaa in heysto ay taabaneyso waxa aniga igu dhacay oo ay si toos ah ugu sheekeyneyso, marka saaxiib anigu qisadan marnaba ma iloobi doono hadduu alle idmo, waxaana xaqiiq ah in ay arrinkaan ka shaqeeyeen kuwa cadaw ku ah Jaceylkeyna
Markuu xasan Sheekadii ii dhameeyey ayaan waxaan weydiiyey Su’aal dhowr ah oo ku saabsan qisadiisa waxaynnu u dhaceyn sidan soo socota
Su’aal – Xasan Adiga sideed u aragtaa qisadaan kugu dhacaday ?
Jawaab – Saaxiib aniga waxaan u arkaa oo ay ila noqotay arrin la yaab leh oo aanan waligeey iloobi doonin intaa aan dunida dusheeda ku noolahay
Su’aal – Adiga sidee is lee dahay wuu ku burburay jeceylkaagii
Jawaab – Waxaa xaqiiqo ah in an gabadha aan jeclaa igu diraan gabadha kale oo ay saaxiibo ahaayeen
Su’aal – Xasan Adiga haddii ay gabadhu ay daacad ka aheyd jaceylka ay ku qabtay maxaa keenay in ay sii fudud laguugu diro ?
jawaab – Walaahi waxaynu ogsoon nahay in gabdhuhu aysan laheyn caqli saas ah oo ay ku gartaan waxa iyaga dhib ku ah iyo wax kale
Su’aal – Maxaad ugu baaqi leyeyd mucaashiqiinta kale ee hadda iyagu ku dhex jira haasawaha Jaceylka
Jawaab – Waxaan ugu baaqi lahaa in ay iska ilaaliyaan dhagarta gabadhaha ay jecelyihiin iyo kuwa kale, anagoo raaceyna dardaarankii uu noo jeediyey ninkii Taalyaniga ahaa ee intuu soo xaday dahabkaan meel noo dhigay, ciidankana booliskana ha ii sheegina, markaas ayey intey ciidankii u tagtay ku tiri dahabkaan waxa soo xaaday walaalkey, isla markii ayaa waxa gacanta lagu dhigay ninkii iyadoo xabsiga la dhigay laguna xukumay dil toogasho ah, sida caadada ah markii qof la tooganayo waxaa la siiya waqti yar oo ku hadlo, wuxuuna isagu yiri ”Waxaan ugu baaqi lahaa dadka iga dambeeya in aysan wax asxaan ah u sameyn gabadhaha haddey rabtaba ha ahaato walaashaa!!!, Marka anigi dhihi maayo yaan asxaan loo sameyn balse waxaan dhahaayaa ha la iska ilaaliyo dabinka hablaha hadii kale sideeda ii kale ayaad ku dhaceysaan bohol aan meel looga soo laabta laheyn,
Waxaana wax iska cad in 99.9% ay hablaha u badan yihiin kuwaaan wax asxaan ah ama wax daacad ah u sameyn wiilasha ay saaxibada la yihiin, marka anaga maxaa noo diidaya in aan dhagartooda iska difaacno ma waxaan rabtaan in ay idinku dhacdo sida aniga igu dhacday, Wallaahi haddaad diidaan mar ayaad arki doontaa waxa aan idiin sheegayo,
Waxaa laga yaabaa dadka qaar iney ii arkaan in aan ku ahay jaceylkooda cadaw balse aniga cadaw kuma aan ihi ee waxaan idiin sheegayaa oo qura waxa aan ku soo arkay dhinaca gabadha oo xumaan iyo daacad darro ah, waxaaba macquul ah tan iyo igu dhacday in ay tahay mid sahlan marka loo eego waxa ay soo wadaan hablaha Somaliyeed, marka intaas ayaan ku soo gabagabeynayaa dardaarankii aan u jeedinayey Saaxiibnada akhristayaasha ah, waxaana leeyahay iska ilaaliya tan igu dhacday oo kale
MAHADNAQ
Qoraaga Buugga Cabaas Cali Xasan (Yare)
Filed under: Uncategorized