
Kulan 2dii maalin ee ugu dambeysay ugu soday Xarunta Baar Xasan Dhiif ee gudaha Magaalada B/weyne Golaha Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan islamarkaana ay kaga hadlayeen xaaladaha amaan daro ee ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah Wadooyinka isku xira degmooyinka Gobolka Hiiraan iyo gudaha Magaalada B/weyne ayay walaac kaga muujiyeen xaaladahaasi amaan daro waxaana ay ka soo saareen qodobo Muhiim u ah Amaanka guud ee Gobolka.
Kulankaasi ayaa markii uu soo gaba gaboobay Gudoomiyaha xigeenka Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Axmed Xasan Barow uu Saxafiyiinta la hadlayay waxaana uu sheegay in haatan Odayaasha ay la joogaan dad lagu soo dhacay Wadooyinka Gobolka Hiiraan isagoona sheegay in haatan dadkaasi ay gar gaar u raadinayaan si looga samata bixiyo dhibaatooyinkii ay u soo gaysteen kooxo burcad ah oo uu sheegay in Wadooyinka Gobolka Qaarkood ay ku heleen.
Waxaana uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaalada B/weyne iyo Maamulka Dowlada ee Gobolka Hiiraan in ay ka hortagaan kooxahaasi falalka amaan daro ka gaysanaya gudaha Magaalada B/weyne iyo qaar kamid ah wadooyinka isku xira Degmooyinka Gobolka Hiiraan.
Falalkan amaan dari ee ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah Wadooyinka isku xira degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili howgalo lagula Dagaalamayo Burcada hubaysan ay ka soconayaan guud ahaan degmooyinka Gobolka Hiiraan gaar ahaan B/weyne kuwaasi oo ay wadaan ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ku sugan Xaafadaha Magaalada B/weyne.
Dhac Dadka shacabka ah ayaa si xowli ah ugu soo badanayo Gudaha Magaalada B/weyne tan iyo waxii ka dambeeyay markii Maamulka Dowlada ay la wareegeen guud ahaa Magaalada waxaana looga shaki qabaa in ay ka dambeeyaan rag ciidamda Dowlada ka tirsan falalkaasi waxaana arrintani ay ku soo beegmayaa xilli dhawaan ay saraakiisha Dowladu ay sheegeen in talaabo laga qaadi doono islamarkaana maxkamad ka dhan ah dambiyada ciidamada la hir-galiyay oo ay Dowladu sameysay si looga hortago falalka dhaca iyo dila ay geysanayaan askarta Dowlada
Filed under: Wararka