
Abtiriskiisa waa Ismaaciil Bin Ibraahim, Hooyadiisna waa Haajira waana Nebigii lagu furtay gawraca wanka la qalo ciida Carafo, markii Nebi Ibraahim uu riyo ku arkay isagoo Ilmihiisa mid gawracayo, kaasina wuxuu noqday Nebi Ismaaciil Illaahayna gawracaas wuxuu ku furtay Gawricida weyn
Nebi Ismaaciil Cs waa Awowga hore ee u ku abtirsado Rasuulkeena Muxamed Cs, Nebi Ismaaciil wuxuu ku soo barbaaray Maka Almukarama, Nebi Ibraahim Cs wuxuu Nebi Ismaaciil illaahay siiyay isagoo 87 jir ah, Hooyadii Haajirana waxay ahay booyaaso (Adoon) ay leedahay oo u shaqaysa Xaaskii kale ee Nebi Ibraahim Cs, ee la oran jiray Saara, Saara markay Nebi Ibraahim waxba u dhali wayday ayay ku dartay Booyaaysadeedii Haajara Ahayd halkaas oo illaahay Nebi Ismaaciil ka beeray, Nebi Ismaaciil walaalo waxaa la dhashay Hal wiil, Wiilkaas oo ahaa Nebi Isaaq,
Nebi Ismaaciil Cs wuxuu Nebi Isxaaq ka weyna 14 sano Nebi ismaaciil Cs Wuxuu dhalay 12 wiil dhamaantoodna waxay noqdeen awoweyaal lagu abtirsado Nasabka Nebi Ismaaciil Cs waxa ka soo jeeda carabta Mustacribada la yiraahdo
Nebi Ismaaciil wuxuu noolaa 137 sano wuxuu ku dhintay Mako, oo u ku Aasan yahay
Waxa Qoray Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax)
Filed under: Uncategorized