Neil MacGregor ”Waan dili doona maalin walba Muslimiinta”

Sidaa aay qoreen Jaraa’idka Dalka Ingiriiska waxa maalinimadii jimcaha laga fasaxay Xabsiga nin u dhashay wadanka Scotland oo saddex sano ka hor loo xiray falal cunsuri-nimo

Ninkan oo lagu magacaabo Neil MacGregor ayaa hore u sheegay inu burburin doono Masaajida Islaamka, Sidoo kalena waxa u sheegay inu dili doono dadka Muslinka ah

Xiligii la xiray ninkan ayaa aha sanadkii 2007 isaga oo xiliga Talfoon ahan iyo waliba qab Internet kula xiriiray Saldhiga booliska Glasgow uuna sheegay in la burburiyo Masaajida ku taala magaalada Glasgow, hadii la diido amarkiisa ayuu sheegay inu afduubi doono dadka Muslinka ah ama u dili doono sidaa u hadalka u yiri, Xiliga ayaa ku beegna Intaa u dhaxeysa 30 January iyo 15 February sanadkii 2007, isla xiliga ayaana boolisku xabsiga u taxaabay isga oo lagu xakumay muddo saddex sano ah

Ninkan ayaa la sheegay inu aad uga xumaday qawraac lagu fuliyey nin u dhashay wadanka Ingiriiska kaasi oo u ka arkay isaga oo dalka Ciraaq lagu qawraacayo Shabaakadaha Internet-ka

Haddaba Mcgregor oo 36 sano jir ah ayaa maalinimadii Jimcaha laga soo fasaxay Xabsiga, iyada oo u qareenki u doodayey ninkan oo lagu magacaabo Craig Dewar u sheegay maxkamada in MacGregor u raali gelin ka biixanayo falalkii u geystay

Shacabka Muslimiinta ee ku dhaqan Sctotland ayaa aad uga xumaday Falka u ninkan ku dhaqaaqay iyo waliba sidaa fudud ee Maxkamadu ku sii deysay ninkaas, iyaga oo sheegay in loo bahna in ninkan lagu xakumo xabsi waqti dheer ah

Dadka Muslinka ah ayaa intaa badan wadamada Reer Galbeedku hadii aay ku helan falal argagaxisonimo waxay ku xakuman xabsi waqti dheer ah, qeybtoodna laguba dhex dila xabsiga, Balse kuwa reer Gaalada ah ayaa hadii aay ku dhaqaaqan Falal Argagaxisonimo waxa lagu xakumo xabsi waqti gaaban ah iyo waliba iyaga oo loo sameeyo qiilal kala duwan

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers