Qiso-Jacayl.jpg

FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Lixaad Halkaan ka Akhriso

From: Naf ku Jecel To Naf la Jecel Yahay

 

Abaayo Macaanto ugu horeyn iga guddon sallan diiraan go’day lab ku jecel, Salaaantaas oo ay isku diraan laba qof oo is jecel sidaa aniga iyo adiga oo kale

Haddii aan kaaga waramo xaaladeeda caafimaad waa 90% inta dhimmanna adiga ayaan kugu tabayaa, Salaam kadib waxaan kuugu baaqi lahaa in aad ila dhowrto amaanada aan kuu dhiibtay oo ah jaceylka naga dhaxeeya Amaanada aan kuu dhiibtay oo ah jaceylka naga dhaxeeya haddana iga hano geeraarkaan gaabaa oo aan doonayo in aad igula dhowero qiimaha jaceylka inuu dhab yahay jaceylka kuwiii dhadhamiyaa og kuwa dheela iyo dhallanteedka dooonaa dhibkiisa og lama dhaxlo jaceylka hadba kii soo dhoweysta hela

By Jaceylkaaga

Sidaa iyadoo xaalkeynu maraayo ayaan waxaan ka dareemay gabadhii aan wax la jilaayey dibacsanaan iyo meermeerid, taasina waxaa marqaati u ah in ay joojisay dhamaan wixii wacitaan ahaa ee naga dhaxeeyey, balse aniga umaan fahmin in ay jiraan wax xumaan ah oo ay dhici kartoo in ay iska mashquushay, lakiin wixii jiraabaa way soo bixi doonaan ayaan isku qanciyey

Sitimaanoo kadib ayaan waxaa dhacday arriin yaab leh, maalin anigoo jooga goobti shaqada ayaa waxa dhacday in telefoon aay ii soo dirto gabar saaxiib la ah gabadhii aan jeclaa, markaas ayey waxay igu tiri …………..

 

Qoraaga Buugga Cabaas Cali Xasan (Yare)