
Iyada oo Maalinimadii shalay Wasaarada arrimaha gudaha ee Pakistan iyo waliba Saraakiil sar sare oo ka tirsan Mujaahidiinta Alqa’eda aay sheegen inu geeriyooday Baitullah Mehsud ayaa hadana waxa soo baxaya Warar is khilaafsan
Hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Hikimullah Mehsud oo ka tirsan Daaliban Pakistan ayaa u sheegay BBC-da inu Taliye Baitullah Mehsud nool yahay isla markaasna aay been iyo barabugando tahay wararka laga faafiyey
Dowlada Pakistan ayaa sheegtay shalay inu geeriyooday Baitullah Mehsud muddo saddex cisho ka hor ah kadib markii aay duqeyn u geysatay Diyaarad nooca Jaajuuska ah oo Mareykanku u leyahay, welibana lagu dilay halkaasi isaga iyo xaaskiisa labaad, arrinka ayaa sidoo kale waxa shalay xaqiijiyey Mas’uul ka tirsan Alqaeda oo U waramay Wakaalada wararka ee Associated Press, Balse dhamaan Hadalada ayaa waxa beeninaya hadalka maanta ka soo baxay Hoggaamiyahan sare ee ka tirsan Mujaahidiinta Daaliban Pakistan

Dhanka kale Booliska Wadanka Indonesia ayaa shaaca ka qaday in Hoggaamiyahii kooxaha Xagjirka ah ee dalka Indonesia Noordin Mohamed lagu dilay Bartamaha Jaziirada Java ee dalkaasi
Hoggaamiyahan la dilay oo u Asal ahan ka soo jeeda dalka Malaysia ayaa lagu eedeyn jiray Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay goobaha dalxiiska ee wadankaasi indonesia
Xigasho BBC + AP
Filed under: Wararka