QISO JACAYL – Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay (Qeybtii Lixaad)

Jacayl

FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Shanaad Halkaan Ka Akhriso

Waxayna iigu jawaabtay ”Xaggaaga haddii aysan wax ka imaanin marnaba lagama yaabo in aan aniga ku xumeeyo ama aan wax u dhimo jaceylkeeni ee adiga xaggaaga yeysan dabeesha naga soo gelin micnaha yeysan wax nooga imaanin.

Sidaas ayaan ku kala tagatay maalintaas, markuu xaalkeena intaas mareysay, ayaa maalin anigoo joogga meeshii shaqada oo iska fadhiya meel cid ah ayaa waxaa ii imaaday wiil aan Saaxiib nahay oo lagu magacaabo Maxamed ganey, aniga maalintaa waxaan ku jiray riyo maalmeed

Markaas ayuu saaxiibkey igu yiri ”Xasan maalmahan xaalkaaga ma fahmin ee waxa jira ee sheeg”, waxaan ku dhahay saaxiib ma jiraan wax dhib ah oo la sheego karo laakiin waxa jiro waa in baryahaan aan jeclaaday gabar aynu saaxiibo nahay, marka waxa aad iga dareemi karto waa saameynta jaceylka oo kaliya” , Markaas intuu qoslay ayuu igu yiri ”Xasan jaceyl wax ceeb ah ma lahan balse waxaa daran in qofka aad jaceshay aysan iyadu waxba kula wadan ee ma iska hubtaa gabadha aad jeceshahay?, waxaan ku dhahay ”Wallaahi wixii qarsoon alle ayaa Og laakiin waxa aan aniga ka dheehan karaa wajigeyda in ay wax ila wado.

 

Markaas ayuu wuxuu igula taliyey in aanan isku dhiiban waligey gabar inta aan dunida ku noolahay, waxaana ku dhahay ”Haye Saaxiib waad mahadsan tahay” Markaan xaalkeyga caadi maaheyn jaceylkii ayaa igu tarax tagay oo waxaan maraayey meeshii ugu dambeysay, waxaana isu heystay in aysan jirin wax uu u qabtay jeceylkii ayaa igu tarax tagay oo waxaan maraayey meeshii ugu dambeysay, waxaana isku heystay in aysan jirin wax uu u qabtay jeceylka sideed oo kale, waxaa la iga dareemi karay jaceylka aan u qabo gabadhaas, sidaa darteed ayaan waxaan go’aansaday in aan u diro waraaq jaceyl oo aan ugu magac daray

 

FARIIN JACEYL, oon aan markaas ku diyaariyey Computer aan markaas ku shaqeeynayey waxaana waraqdii u qoray sidan hoos ku qoran :

La Soco Qeybta Toddobaad

 

Qoraaga Buugga Cabaas Cali Xasan (Yare)

One Response

  1. [...] FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Lixaad Halkaan ka Akhriso [...]

Comments are closed.