MADAX KA TIRSAN XIBSIGA KULMIYE OO SHIL GAARI KU GEERIYOODAY IYO KUWA KALE OO KU DHAAWACMAY

cali.marshaal

Wararka ka soo baxaya Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa sheegay inu geeriyooday Allaah ha u naxariiste Cali maxamed Guuleed (Cali Marshaal oo aha Madaxii Ololaha Xisbiga Kulmiye ee gobolada Galbeed ee Somaliland, Sidoo kalena aya dhaawac culus uu soo gaaray Gudoomiye ku xigeenkii Labaad ee Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid aha Xisbiga Kulmiye Iyo Waliba Wariye la socday Mas’uuliyiintan

Dhacdadan Naxdinta leh ayaa timid kadib markii u shil la galay Gaari aay woteen kaasi oo ku sii jeeday magaalada Berbera, Shilkan ayaa ka dhacay wadada u dhaxeeysa Hargeysa iyo Berbera

Mas’uuliyiintan dhaawaca ah iyo waliba Mas’uulka geeriyooday ayaa la sheegay inay ku sii jeeden magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil halkaasi oo u ka soo degayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Axmed Siilanyo oo ka yimid safar dibada ah oo u kaga yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya

cali.marshaal

Geerida ku timid Cali Marshaal oo ka mid aha Mas’uuliyiinta sar sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa timid xili Xisbiga kulmiye u diyaar garoobayo Doorashooyiinka lagu wodo inay Somaliland ka dhacan Bisha soo socota

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers