
Afhayeenka Xarakatu Shabaabil Mujaahidiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo badan oo aay ku jirto dhalinyaro Somali ah oo lagu xirxiray dalka Austaralia kuwas oo lagu eedeyey Falal aragagaxiso-nimo iyo xiriir aay la leyahiin Xarakada Alshabaab
Sheekh Cali Maxamud Raage ayaa ku tilmaamay arrinka mid been ah, waxana u sheegay in aysan wax xiriir ah la laheyn dhalinyarada Austaralia lagu xirxiray, Sheekha ayaa sii weyn meesha uga saaray arrinka Austaralia soo bandhigtay
Sidoo kale Sheekh Cali Maxamud Afhayeenka Xarakatu Shabaabil Mujaahidiin ayaa sii weyn ugu mahadceliyey Ganacsatada magaalada Muqdisho kuwas oo u sheegay inay sii wanaagsan uga qeyb qateen hawlaha dayactir aay Mujaahidiinta Alshabaab ka wodeen Maanta wadooyiinka magaalada Muqdisho
Sheekh ayaa ganacsatada kale ee Somaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qatan hawlaha wax u qabadka dadka shacabka ah, isaga oo sheegay in arrinka maanta aay qabteen ganacsatadu iyo Mujaahidiinta Alshabaab oo is garabsan aay tahay mid muujin in laga Kaftoomi karo Hay’adaha Gaalada ee Iyagu danaha gaarka ah ka leh Ummada Muslinka
Dhanka kale Mujaahidiinta Alshabaab ayaa waxaa ay maanta howlo dayactir ah ka sameeyeen Wadada dheer ee Isku xirta Isgoyska Ifka Xalane ilaa iyo wadada Kaaraha oo ka dambaysa Buurka Ciise Cabdi ee degmada Dayniile, waxaana maanta wadadaasi oo mudooyiinkii ugu dambeeyay uu xiray bacaad fara badan lagu arkayay Gaadiidka loo yaqaan iska rogayaasha oo dhaqxaan badan ku shubayay dhulka Bacaadka ah iyo gaadiidka loo yaqaan cagaf cagafka oo ka qeyb qaadanayay howlahaasi dayactirka ah

Hawashan aay Maanta Mujaahidiintu qabteen ayaa lagu tilmaamay mid aad u wanaagsan iyada oo aay taasi sii weyn u soo dhoweeyen dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan
Filed under: Wararka