
FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Afraad Halkaan Ka Akhriso
Markaas ayaan waxaan tiriyey geeraar gaaban oo dardaaran ah wuxuuna u dhacay sidan soo socota
Da’yarey abaayo
Dardaaranka Aan ku lee yahay
Si degan u dhageyso
Dadka qaar waxaa jira
Dirdiraale ahoo
Dulmiya jaceylka
Diif iyo Dhibaatiyo
Dul Duleel ku sameeyo
Danahaaga xoojiyo
Darbi bir ah ka gal
Agtaada yey dagin
Darbi bir ah ka gal
Agtaada yey dagin
Darbi bir ah ka gal
Dabada laad ku sii qaad
Anigana inaan ku dhowrow
Aan ku dhaqdo
Ujeedadeeda ah
Maxaad ka dhihi laheyd arrintaa ?!!!!!!!
KKKKK!!! Wallaahi xasan waad ii dhoomatay sidaan ma kuu maleeyneynin waxaadba tahay fannaan caadi ah, Waxaa ka dhimman uun waa in aad ka soo muuqato fagaaraha fanaaniinta, Markaas anigoo ku qanacsan hadalkaas ayaan iri ”Maya macaanto anigu fannaan maahi balse waxaa iga keenay jaceylka aan kuu qabo marka sidaa ku qanac”
Maalintaas jawigeyna waxaa laga dareemi karay farxad, wanaag is jeclaan waxana sheekadeenii noogu soo gabagabooday jawi dagan, waxaana labadeenii ka soo wada baxnay gurigii anigoo faraxsan
Maalintaas waxaan isku macasalaameynay isgoyska kiilo miter Foor (KM4) anigoo ku dhaha dardaarankaan ”Abaayo waxan isku ognahay in aynu wada dhowrno jaceylka aan wada abuurnay si aan berito u gurano mirahiisa…
La Soco Qeybta Lixaad Ee Buuggan Jacaylka Ah
Qoraaga Buugga Cabaas Cali Xasan (Yare)
Filed under: Uncategorized
[...] FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Shanaad Halkaan Ka Akhriso [...]