
Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Mareykanka Marwo Hillary Clinton ayaa ku soo jeeda dhanka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo aay uga bilaaban doonto Booqasho aay ku mari doonto 7 dal oo African ah, Sii aay ugu muujiso dowladaha Africa in mudnanta kowaad aay iyagu yeelan doonan sidaa u Obama hore u sheegay
Hillary Clinton ayaa la filaya inay magaalada Nairobi kula kulanto Madaxweynaha Dowlada Itaalka daran ee Muqdisho Sharif Sheekh Axmed, iyada oo u muujin doonta Hoggaamiyaha qunyar socodka ah taageerada weyn ee aay u heyso dowladiisa iyo waliba sidaa u Mareykanku u garab istagan yahay Xukuumadda Itaalka yar
Clinton ayaa la filaya inay madaxweyne Shariif la kulanto Maalinimada Khamiista ah, Dhankiisana Madaxweyne Shariif ayaa isaguna maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii u galabta ka Ambabaxay garoonka Aaden cadde International Air Port sidaa Aay Somalifans Online u Sheegen Saraakiil Dowlada Ka Tirsan
Dowlada Mareykanka ayaa Bishii June Qalab Mulatari u soo dirtay Xukuumadda Shariifka sii aay iskaga celiso Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Siyaasada Dowlada, Sidoo kale waxa la filaya in mar kale Taageero Milatari aay Hillary u balan qado Shariif Axmed
Filed under: Wararka