
FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Saddexaad Halkaan Ka Akhriso
Markii ayaan waxaan wacay gabadhii aan teleefoonka iska baranay si aan u ogaysiiyo in aan soo baxay oo meeshii ballanta ugu wada kulanno, Sidii ayey ku soo baxday anna aan ku soo baxay
Aniga waxaan soo raacay baabuur, anigoo saaran gaariga ayaan waxan bilaabay in aan kaligey isla hadlo anigoo dhahay, Tolow maxay noqon kartaa gabadha aad maanta u socota ?!!!!!!, hadii ay ku qancin weydo maxaad dhihi doontaa?!!!! Iyana haddaad qancin weydo maxay ku dhihi doonta?!!!!!!, Intaas waxay aheyd ereyo aan aniga uun is weydiinayey, waxaan si toosa uu soo abaaray xaafadii ay deganeyd gabadhii walaashey aheyd, Markii an tagay Xaafadii, ayaan waxaan u sheegay gabadhii walaashey aheyd in ay ii soo socoto gabar aan saaxiibo nahay sidaa darteedna waxaa ku dhahay waa in aad noo diyaariso qolkii aan ku wada kulmi laheyn, aniga iyo Saaxiibtey iyo biyahii aynu cabi laheyn, Waxay igu tiri gabadhii walaashey aheyd ”Aniga igu haleey in aan sameeyo soo dhoweyn heer sare ah” Markaan joogay Xaafadi in muddo ah ayaa waxa albaabka soo garaacay gabadhii eedayey aheyd iyo tii aynu saaxiibada aheyn
Aniga oo sugayey wafdigaas ayaan albaabka ka furay, waxaana durbadii ku bilaabay Salaan iyo soo dhoweyn, gudaha ayaan soo galnay aniga iyo labadii gabdhood, in mudo ah markaan ku jirnay qolkii ayaan bilaabnay in aan guda galno sheekadii khaaska inoo aheyd aniga iyo gabadhii waxayna u dhacday sheekadeeni sidaan soo socoto
Haye abaayo waa sidee dareenkaaga maantay maadaama aad aniga maantay ilaa joogto?, Markaas ayey iigu jawaabtay ”Haa macaane dareenkeyga maantay lama qiyaasi karo”, Waxan ku dhahay ”Wallaahi sidii aan filaayey ayaa noqotay? Waxay igu tiri ”Oo Maxaad hadalkaa ula jeedaa?, Waxaan ku iri ”Waxaan Ulaa jeedaa Macaanto aniga filaayey in aad tahay gabar qurxoon oo aniga ii qalanto waadna noqotay marka aniga ma noqday sidii aad filaysay mise?!!!!!!, Intay Dhoola Caddeysay Ayey igu Tiri ”Haa Waad Noqotay
Qoraaga Buugga Cabaas Cali Xasan (Yare)
Fadlaan Waxii Sheeko Jacayl Ah Ama Buug Ah U Soo Dir Yusufcali@hotmail.co.uk
Filed under: Uncategorized
[...] FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Afraad Halkaan Ka Akhriso [...]