
Waxaa aad u soo badanaya maalmahaan yaraanta wax kala iibsiga suuqa magaalada Bosaso gaar ahaan qeybta dharka oo aad u buuq badnaan jirtay xiliyadii qaboobaha
Waxaana arintan aan waraysi kala yeeshay qaar ka mid ah dadka wax
ku iibiya suuqa magalada boosaso agaara ahaan qeybaha dharka lagu
iibiyo oo ahaatan uu ka muuqdo banaanaan iyo habacsanaan dhanka wax kala iibsigu, waxa uuna c/kariin faarax oo ka mid ah dadka halkaasi wax ku iibiya ii sheegay in aysan maamlhan jirin wax habayaraatee iib ah oo ku saabsan miisaskooda dharka.
Irintan ayuu sabab uga dhigay suuq madoobaad jira oo aan ahayn
dhaqaalo daro, balse dadkii igu wax ka iibsan jiray ay ka xaagaa
baxeen magaalada.
Qaar kale oo ganacsasatadaka mid ah ayaa wali ku adkaysanaya in ay
uusan samayn wayn ganacsigooda ku yeelan xagaagu, oo ay tabayan oo kaliya alaabada tafiirqda ah ee ay xaasasku ka iibsan jireen, sida uu sheegay faarax cali oo ka mid ah ragga gada alaabta aroosyada.
Dhanka kale suuqa sharaabka ayaa waxaa laga dareemayaa sara u kac aad u sareeya oo sharaabka ah , taas oo ay dadku ku macneeyeen in ay ugu wacan tahay kulaylka oo aad u daran xiligan iyo bisha haatan la galay oo loo yaqaan Augost iyo aamus.
Waxaan hakaasi aan arintaas waraysi kala yeeshay Maxamed Cali oo ku magac dheer jagac bagac waxa ii xaqijiyey wiilkan oo ah sharaable in maalmahan uu sharaabka lacag badan ka faaido, marka uu sare uga kacay intiisii hore.
Isku soowada duuboo xiligan ay habacsanaantu ka jirto suqa magalada boosaso, waxaana la isdhihi karaa waxaa ugu wacan xagaaga oo meel aad u kulul maraya
W/D Naciimo Muuse Cilmi
Filed under: Uncategorized