QISO JACAYL – MUSTAQBALKEYGII MA SIDAANBAA U DAMBEYSAY (Qeybtii Saddexaad)

Jacayl

FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Labaad Halkaan Ka Akhriso

Markaas ayaan ku dhahay ”Abaayo ma laga yaaba in aan maro waddadii uu maray Saaxiibkaa hore?, Intay qosol la dhacday ayey igu tiri ”Taa laga ma yaabo in ay dhacdo maxaa yeelay Adiga iyo Isaga isku mid ma tihiin isagu waa nin mukhadaraad isticmaalo, Iyadoo intaa noo mareyso ayaan ku dhahay ”Macaanto hadda aniga iyo adiga isma aan Arag laakiin waxaan anigu qabaa in haddii aynu is aragno ay sheekadu intaa ka sii ballaaran doonto ee goorma ayaan is aragnaa oo aan aniga iyo adiga kullanaa?

Markaas ayey igu dhahday ”Maalinta jimcaha ah ayaan isugu imaaneynaa isgoyska KM4 (Kiilo Miter Foor) taa maxaad ka qabtaa?, Markaas ayaan ku dhahay ”Taa waxaa ka haboon in aan ku wada kulano xaafad walaashey degan tahay oo ku taala Agagaarkiina, waxaana xaafada ku keeneyso Eedadey”, Markaas ayey igu tiri ”Haddad Go’aansatay sidaas waxba kama qabo”, Halkaas markaan mareynay ayaan gabalkii dhacay waxaan ku dhahay ”Mar kale ayaan sheekeysan doona ee macaaney Maca Salaamoo, Haye Aboowe, Sidaas ayaan isku ognahay

Habeenkaas aniga waxaan galay fikir ballaaran oo ku sabsan sidii aan gabadhaan uu soo jiidan lahaa maadaama aynu is arkeeno maalinta jimcaha ah, Si kastaba ha ahaantee aniga Jimcihii oo ay ka dhinneed 7-biri oo qura ayaa waxay ilaa noqotay 1 Sano, si walba oo ay xaaladda aheydba waxaa la soo gaaray maalintii aynu ballanta laheyn, aniga iyo gabadhii Faduumo aheyd, Subaxaas waxaa la iga dareemi karay farxad iyo furfurnaan dheeri ah oo aan u qabay la kulanka gabadhaan aynu telfoonka iska baranay,

Waxaan xirtay dharkeygii kuwii ugu quruxda badnaa anigoo maalintaa isku jabiyey Dhalo barafuun ah oo markaasi uu soo gatay wiil aynu walaalo nahay oo aan xaafada isla joogno, Dadkii Xaafada aynu ku wada nooleyn ayaa maalintaa ilaa yaabeen waxayna igu arkeen anigoon u labisan si aan weligeey u labisan,

Markaasey igu dhaheyn, ”Xasan Maanta caadi ma tihide halkeen u socotaa?, intaan ku dhuftay qosol, ayaan ku dhahay ”Waxaan la balansan ahay gabar aan talefoonka iska baranay” Markaas ayey igu dhaheyn ”Garabkaaga illaahey ha galo ee yaanan waqtiga kaa luminin ee howshaada iska sii wodo”

Qoraaga Buugga Cabaas Cali Xasan (Yare)

 

 

Fadlaan Waxii Sheeko Jacayl Ah Ama Buug Ah U Soo Dir Yusufcali@hotmail.co.uk

One Response

  1. [...] FG Fadlaan Hadii Aadan La Socon Qeybahii Hore Riix BOOKS Ama Qeybtii Saddexaad Halkaan Ka Akhriso [...]

Comments are closed.