MAAMULKA ISLAAMIGA AH EE MAGAALADA KISMAAYO OO JAWAAB CULUS KA BIXIYEY HADAL KA SOO YEERAY WALAD CABDALLA

Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa sii kulul uga jawaabay hadal ka soo baxay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Walad CabdallaSomalifans Online

Sheekh Xasan Yaqcuub cali Ayaa hadal kooban oo u soo bandhigay maanta saxaafada magaalada Kismaayo ku sheegay in Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo iyo Dhamaan Mujaahidiintu diyaar u yahiin ka hortaga wax kasta oo lagu doonayo in Ummadan Lagu burbursho isaga oo sheegay in kuwa arrinka wota aay yahiin kuwa ku burburi doona Sidaa u hadalka u dhigay

Isaga oo arrimaha ka hadlaya ayuu waxa u Yiri ”Arrinka ay soo saareen gaalada u Midoobay Muslimiinta oo ah in Xamar laga sameeyo qad cagaaran kuma guuleysan doonaan ayaan leenahay, Ethiopia-kii iyo TFG-dii ka horaysay oo ka ciidan badneyd ayaa qad cagaaran iyo mid madow samayn weysay, Idinkana waad baaba’aysaan kadibna dalka ayaad isaga bixi doontaan” Ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub

Waa hadalkii ugu horeeyey ee ka soo baxa Xarakatu Shabaabil Mujaahidiin tan iyo markii Ergeyga qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla u sheegay in Muqdisho Loo sameeyo khad Cagaaran

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers