Waxaa maanta oo taariiqdu ku beegantahay 01/08/09 si rasmi ah uga bilowday gudaha Gobolka Hiiraan sanad Dugsiyeedka 2009-2010 dhamaan iskuulada waa weyn ee gudaha Magaalada B/weyne![]()
Dhamaan Iskuulada ku yaalo Magaalada B/weyne iyo Deegaanada ku xeran ayay Ardayda saakay u dareereen waxbashada Sanad Dugsiyeedka 2009-2010 iyadoo dhamaan la furay
Waxaalagu arkayay wadooyinka B/weyne arday faro badan oo la bisan dareyska mac-hadyada kala duwan ee waxbarashada kuwaasi oo isku kala dhaafayo wadooyinka si ay uga qeyb galaan bilowda daruusta iskuulada u furmay sanad Dugsiyeedka.
Ardaydan oo mudo uu u xirnaa iskuulada ayaa ku faraxsan bilaabashada cusub ee dib loo furay Dugsiyada waxaana qaar ka mid ah ay ka soo carareen Dagaalada Muqdisho walow ay wali ka rajo qabaan in ay dib ugu laabtaan Muqdisho si ay u sii wataan waxbarashadoodii ka lusqaantay inkastoo ay heleen deegaano nabad ah oo ay ka sii wataan waxbarashada hadana waxaa ay ka sii jeelyihiin deegaanadoodii oo nabad ah islamarkaana ay ku sii dhameystaan waxbarashadooda.
Ilaa kudhawaad 30 iskuul oo waa weyn iyo kuwo bareyd ah ayaa ku yaalo gudaha Magaalada B/weyne waxaana hada lagu guda jiraa dhismaha Jaamaad uu Gobolku yeesho taasoo haatan wax yar u dhiman iyadoo ay Ardayda iyo waalidiintoodaba ku han weyn yihiin in wax badan ay ka tarto ardaydii horey u aadi jirtay jaamacadaha Goobo ka fog Gobolka islamarkaana aan amaan ahayn sida Muqdisho oo kale
Filed under: Wararka