
Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan kuwa Puntland ayaa saaka u ambabaxay Degmada Ufeyn ee gobolka bari halkaasi oo 30 Bishan la keenay dad lagu soo dilay iyo kuwa lagu soo dhaawacay degaanka Jidmoxor ee Bariga degmada Ufeyn ku yaala
Odayaasha qaar ka mid ah oo Somalifans Online la kulantay Saaka ayaa sheegay inay ku rajo weyn yahiin in aay dhex dhexaadiyan beelaha walaalaha ah ee Isku heysta degaanka Igdheys ee gobolka Bari
Jidmoxor ayaa 30 Bishii hore waxa lagu dilay ilaa shan qof oo aha xoolo dhaqato, iyaga oo halkaasi ka waraabinayey Arigood, halka kuwa kalena lagu dhaawacay isla falkaasi
Beelaha Xurgufto ka dhaxeyso ayaa la sheegay in tiro ka dhowr jeer lagu dhex dhexaadiyey halkaasi in kasta oo aan waxba ka suurta gelin, Bixitaanka Odayaasha xal doonka ah ee Degmada Ufeyn ayaa dad badan ku sheegen in aay xooga wax ka qaboojin doonto Xaalada Kacsanaanta ah ee laga dareemayo degaanka Uur Caleed ee Degmada ufeyn ka tirsan tahay
Filed under: Wararka