MAAMULKA CUSUB EE B/WEYNE OO SOO SAARAY AMARO KALA DUWAN

Maamulka cusub ee dowlada KMG ee Somaliya oo dhowaan iyagu la wareegay gacan ku heynta magaalada Baladweyne ee Xurunta Gobolka Hiiraan, ayaa maanta soo saaray Amaro kala duwan kuwas oo aay ka mid yahiinSomalifans Online

In Haweenka aay muddo 7 cisho gudahood ah ku qatan xijaab iyo waliba in aan la arki karin goob Ganacsi oo furan marka la gaaro xiliyada Salaada

Madaxa wacyi Gelinta Bulshada ee maamulka Baladweyne ayaa sheegay in Arrinkan uu yahay mid aay dhamaan isla garteen mas’uuliyiinta Maamulka Dowlada KMG ee Degmada Baladweyne ku sugan

Dadweynaha magaalada Baladweyne ayaa aad ula yabay arrinkan aay ku dhaqaaqeen Maamulka Dowlada iyaga oo ku tilmamay mid aad u wanaagsan oo aay kaba fileyn Maamulka Cusub ee dowlada, waxana arrinkan aay ku dhaqaaqeen Mas’uuliyiinta dowlada ee degmada B/weyne siin doona Mas’uuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada B/weyne taageero badan oo aay ka helan dadka shacabka ah oo hore uga amiinsana fikiro khaldan iyo xiita kuwa ka soo horjeeda ee Mucaraadka ku ah, balse waa hadii u dhaqan galo sidaa logu tala galay

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers