
Fadlaan Qisan Cashaqa ah Hadii Aad la Socon Riix Halkaan Sii aad u Akhrisato Qeybtii Hore
Macaaney Abaayooy
Waxaan Doonayaa in aan
Meel wax kula dhigo
Oo Aad xaaskeyga Noqoto
Haddu Alle Idmo
Inaan ku quruxsadoo
Asaaga u qurxoonaataa
Qalbigeyga ku taal
Ee Go’aan ma ila qaaadan
Mise waad i khilaaftay
MARKAAS AYEY IIGU JAWAABTAY IYADANA
Ana inaan naawilo caashaqa
Nuxurkiisa kula maalo
Nabsi inaanan kaa galin
Yaan kuu nisbeynayaa
Niyadda taa u sheeg
Nasiibkeynaan sugeynaa
Laabta taa ku naaxi
Markaas ayaa waxaan sii wadanay sheekadeynii anigoo si kaftan ah ku iri ”Abaayo weligaa ma yeelatay Saaxiib oo la sheegi karo” Markaas ayey igu tiri ”Haa waan yeeshay laakiin hadda waxba kama hayo”, markaas ayaan ku dhahay ”Ma fahmin ee ii faahfaahi”, Intey qososhay ayey igu tiri ”Waxaan ula jeedaa ayaan ayaa saaxiib noqonay wiil degan xaafada Albaraka in muddo ahna markan wada soconay waynu kala harnay”
Markaas ayaan anigoon ka harin arrintaa ku dhahay ”Maxaa keenay in aad kala hartaan adiga iyo wiilka aad Saaxiibada aheedeen oo aad ii sheegtay” waxay igu jawaabtay ”Waxa sababay anigoo u bogi waayey xaalkiisa iyo isagoo ahaa nin reer mukhaadaraadle ah”
Markaas ayaan ku dhahay ”Hadda maxaad iga damacsan tahay aniga” Waxay igu tiri ”Aniga iyo Adiga waxaan rajeynayaa in aan wada noqon labo lamaano oo isku waaro adigana maxaad noo rajeyneysaa?, Markaas anigoo dhoola cadeynaya ku iri Waxan noo Rajeynayaa Sidaa iyo si ka fiican
La Soco Qeybta Saddexaad Insha Allaah Beri
Qoraaga Buugga – Cabaas Cali Xasan (Yare)
Waxii Buug Ah Oo Aad Heyso Ku Soo Dir Yusufcali@hotmail.co.uk
Filed under: Uncategorized