Wararka ka imanaya degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhaawacay mid ka mid ah Shaqaalaha Markab laga leeyahay Wadanka Turkiga oo afduub logu heysto Degmada Eyl![]()
Sidaa ay Wargeyska Radikal Daily u Sheegtay mid ka mid ah Hooyoyinka dhalay Shaqaalaha lagu heysto Markabka Turkiga ah waxa soo wacay Wiilkeeda isaga oo u sheegay in La dhaawacay mid ka mid ah Asxaabtooda, Isla markana aay dhibaato weyn heysto oo aay ka mid tahay Cuno Yari iyo waliba Dhibaatoyiin kale
Hooyadan ayaa ka codsatay Dowlada Turkiga inay talaabo qaado, sii aay uu badbadan shaqaalaha Saaran Markabka Horizan One
Markabkan oo aay saran yahiin 23 shaqaale ah ayaa laga afduubtay isaga oo ku gooshaya intaa u dhaxeeya Jordan iyo Sucuudi Arabiya, waxana u woday Kimikal sidaa la sheegay
Filed under: Wararka