QISO JACAYL – MUSTAQBALKEYGII MA SIDAANBAA U DAMBEYSAY (Qeybtii Kowaad)

Akhristayaal waxaan halkaan idiin kaga soo gudbineynaa qiso dhab ah oo ku dhacday wiil Somaliyeed oo degan Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee magaalada MuqdishoSomalifans Online          , Wiilkaas oo lagu magacaabo Xasan Cali, Xasan waxaa uu iga codsaday anigoo ah Qoraga Buugaan Inaan ka qoro Qisadaan la yaabka leh ee ku dhacday isaga oo isla markaana uu ii sheegay in uu qarsan waayey qisadaan xanuunka badan ee ku dhacday maadaama ay tahay qiso la yareysay adduunka oo idil

Haddaba waa kan xasan oo inoo guda galo qisadii ku dhacday isagoo ay illintu ka socotay marka uu iiga sheekeynayay qisadaan ku dhacday markaas oo aan ka dheehan karay wajigiisa xanuunka iyo la yaabka ay ku reebtay qisadaan, anigoo su’aalo weydiin doona xasan marka uu inoo dhameeyo qisadan ku dhacday

Mahadsaniid Saxiib, waxaan ahay Wiil Somaliyeed oo degan Xaafada suuqa xoolaha ee Degmada Hiliwaa, waxaan jiraa ugu yaraan 19 sanno, ”Waxan ka mid ahay Shqaalaha” xurunta daabacaada buugaagta ee daaruul-Culum Printing Center, maalin maalmaha ka mid ah oo jimco ah aheyd anigoo jooga xaafadeeda isla markaana kula hadlaya telfoon gabar eedadey ah ayey waxay igu tiri Eedo maku baraa gabar aan saaxiib nahay oo ila daris ah ?

Markaas ayey taleefoonkii iigu dhiibtay, waxaana ku dhahay ”Abaayo adigoo Mahadsan ii sheeg magacaaga ?, waxaynu igu tiri ”Aboowe waxaa la i dhahaa Faadumo Faarax”, Adiga Aboowe macaan magacaa Ayey igu tiri ”Xasan ayaa la ii dhahaa” ayaan ugu jawaabay, waxaana ku dhahay halkeed degan tahay, waxayna igu jawaabtay ”waxaan degan ahay Agagaarka Aylaboorka Calaamiga ah ee Muqdisho Gar ahaan Xerada Kaluunka, waxaan deris la ahay Eedadaa oo aan Saaxiib Nahay, aniguna waxan deganahay Xaafada Suuqa Xoolaha

Markuu arrinku intaa marayey ayaa ku dhahay ”Diyaar ma u tahay in aan Sameysano Xiriir Jacayl? anigoo ugu soo Bandhigay Qaab geeraar ah

 

Qoraaga Buugga – Cabaas Cali Xasan (Yare)

 

Yusufcali@somalifans.com

 

La Soco Qeybta Labaad   Beri Insha Allaah

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers