
Sidaa aan soo xiganay dadka degaanka degmada Ufayn ayaa la soo sheegaya in Biyo la’aan xoog leh aay ka jirto kadib markii aay jabeen Tuuboyiinkii Biyaha magaalada Keeni jiray
Dadka degmada Ufayn ayaa sheegaya in degmada oo xiligan aay u soo xagabaxeen boqolaal dadweynaha ah aay biyo la’aan la soo deristay taas oo halis weyn gelin karta hadii aay sidaan ku sii socoto boqolaal dadka degaanka ah
Dadweynaha degmada ku dhaqan ayaa ka codsaday Maamulka Gobolka Bari inu sii degdeg ah wax ugu qabto, Isla markana uu u dayactiro Tuuboyiinka degmada Biyaha keena kuwas oo ka yimada Ceel ku yaala Dhanka buuraha magaalada ku dhow
Ufayn waxa aay ka mid tahay meelaha ugu biyaha macaan Gobolka Bari waana degmo intaa badan aan maamulka P/land wax badan ka qaban marka laga reebo Hay’adaha gar gaarka oo hadba xili halkaasi wax ka qabta
Filed under: Wararka