MAAMULKA ISLAAMIGA AH EE GOBOLKA GEDO OO SOO SAARAY AMARO KALA DUWAN

Maamulka Islaamiga Ah ee Gobolka Gedo ayaa soo saaray Amaro kala duwan oo ku Socda Bulshada ku dhaqan Degaanda Gobolka Gedo ee SomaliyaRIIX

Amaradan loo soo jeediyey Bulshada ayaa waxa ka mid ah

1. In aan qaadka lagu cuni karin magaaloyiinka Gudahooda

2. In Aysan is dhex geli karin ragga iyo Dumaraka

3. Ina la Ilaaliyo Waqtiyada Salaada

Qodobadan ayaa waxaa saxaafada u soo bandhigay madaxa dacwada Maamulka gobolka Gedo inkastoo uusan Sheegin talaabada laga qaadi doono cidii Amaradan ka hortimada

Amaradan ayaa waxaa ay xoojinayaan kuwo iyaga ka horeeyay oo uu soo saaray isla maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo si wax looga bedalo dhaqanka iyo arrimaha bulshada ku dhaqan gobolkaasi