Xarakada Mujaahidiinta Alshabaaba ayaa sheegay inay la wareegen guryaho aay lahayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada KMG ee SomaliyaRIIX

Raggan Guryahooda lala wareegay ayaa waxa ka mid aha Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada KMG Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Xildhibaan Cali Maxamed geedi Ra’iisal Wasaarahii hore ee Dowlada KMG , Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow, Iyo Waliba Ganacsadaha Caanka ah Ee Bashiir Raage Shiiraar,

Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin ayaa sidoo kale sheegay Inay dhamaan raggaas Guryahooda iyo waxii u oola Hanti aay iyagu ka dhigteen qaniimo Ama Xoolo aay leyahiin Sidaa aay ku qirteen Warbixin aay ku qoreen Afka Carabiga Oo lagu faafiyey Bogga Aay adeegsato Alqa’icada

 

Dhinaca Kale Ciidamo is garabsan oo ka wada tirsan Xarakada Alshabaab Iyo Xizbul Islaam ay ku sii siqayaan dhinaca Madaxtooyada, Sidoo kale Kooxaha dowlada ka soo horjeeda waxay ku si dhow yahiin inay la wareegaan dekeda magaalada Muqdisho halkaasi oo aay ku sugan yahiin ciidanka nabad ilaalinta ee Amisom

Arrinku hadii u sidaan ku sii socda waxa khatar weyn ku jira Jiritaanka dowlada KMG ee Somaliya