Dowlada Mareykanka ayaa Ethiopia waxaa ay uga digtay in ay faragalin ku samayso Arrimaha Dalka Somaliya islamarkaana ay ciidamadeeda u soo dirto gudaha Wadankasi![]()
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Africa ee Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay Ethiopia ku boorinayso in aanay faragalin Somaliya Sababtana waxaa uu ku sheegay in arintaasi ay ka soo horjeedo danaha labada dowladood ee ku yaala gobolka Geeska Africa ee ah Somaliye iyo Ethiopia
Jime Carson oo waraysi ku siinayay Wakaaladda Wararka ee Reutres Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka hor inta uusan u kici timin Booqasho lagu wado maalinta isniinta in uu ku tago Wadanka Ethiopia ayuu ku sheegay in Mareykanku ay sii wadi doonaan cadaadiska Ethiopia ay ku saarayaan in aanay faragalin Xaalada Dalka Somaliya
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda Ethiopia ay si dhow ula socon doonto is badalada iyo waxyaabaha ka soconaya gudaha wadanka Soomaaliya Laakiin aanay aheeyn in militari ahaan ay fara galiso Arinta dalka Soomaaliya
Jime Carson ayaa waxa uu intaasi ku daray in iyadoo la eegayo Cadaawadda Mudada Dheere ee ka dhaxeysa Ethiopia iyo Somaliya uu kula talinayo dowladda Ethiopia in aanay Somaliya Ciidamadeeda Markale dib ugu Celin iyadoo Taasi ay dhibaato ku noqnayso dadaalada dowladda Ethiopia ee ku aadan nabadaynta gobolka Geesa Africa
Carson waxaa uu xusay in Ethiopia ay Xaq u leedahay in xadkeeda ay difaacato oo cid kasta oo soo gasha Xuduudeeda ay iska celiso laakiin taas micnaheedu uusan Noqonayn in ay faragaliso Somaliya oo aan lagama maarmaan aheeyn Faragalinta gudaha ee Wadanka Somaliya,waxaana lagu wadaa in maalinta isniinta ah ee soo socota Magaalada Addis Ababa wadaxaajood uu kula yeesho Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadaaladaasi ay sii wadayso iyadoo hadii Ethiopia ay faragalin ku samayso arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya taasi ay dhibaato u keeni doonto sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibadda ee Arimaha Africa ee Wadanka Mareykanka dowladda Somaliya iyo Ethiopia
Dowlada Ethiopia horay ayay u sheegtay in ay ka cabsi qabto in Somaliya Xaaladaha ka soconaya ay saamayn ku yeeshaan iyadoo dhowr jeer oo horay dafirtay in ciidamo ay leedahay ay soo galeen Somaliya xili Ciidamo Ethiopian ah ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud
Filed under: Wararka