
Xaflad si weyn loo soo agaasimay kana soo qeybgaleen dhamaan Qowmiyadaha kala duwan ee Qaxootiga ku ah dalka Greeca ayaa ka dhacday magaalada Athenis, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay muuqaalo iyo qoraalo ka turjumaya xadgudubyada iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka ka soo haajiray dalalkooda, waxayna kaga hadleen kulankaasi sidii ay isaga kaashan lahaayeen joojinta xadgudubyada loo geysto Qaxootiga

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha kala duwan ee ku nool dalka Greeca iyo Xisbiga KKE oo taageero dadka ku dhibaateysan dalka Greeca, waxaana bandhigaasi uu socday mudo 24 saacadood ah

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Athenis ayaa qeyb ka aheyd Jaaliyaddaha bandhigaasi ka qeybgashay, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen xadgudubyada ay kala kulmaan ciidamada Booliska dalka Greeca xiliyada ay marayaan wadooyinka, marka ay soo gelayaan dalka Greeca iyo xiliyada ay ka baxayaan, iyadoo sawiro iyo qoraalo ka turjumaya dhibaatooyinka ay ugu soo carareen dalkooda ku soo bandhigay Bandhigaasi

Dhalinyaro isugu jirtay Rag, Haween iyo waayeel oo ku labisan darees lagu soo xardhay Calanka Soomaaliyeed ayaa wacdaro ka muujisay, waxaana horkacayey dadkaasi Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Greeca Ilyaas Xasan Cali, waxaana halkaasi khudbado qiiro leh ka jeediyay Mas’uuliyiin ka socotay Xisbiyada dalka Greeca ka jira oo ku dheeraaday ka hadalka iyo ka hortaga xadgudubyada loo geysto dadka Qaxootiga ah ee Soomaalida ugu horeyso

Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa waxay dadkii ka soo qeybgalay bandhigaasi ay u qeybiyeen in ka badan Shan Kun oo Warqadood kuna qornaa erayo iyo hal ku dhigyo ay ku codsanayeen in dadka Soomaaliyeed la siiyo xaquuqda ay u baahan yihiin, in la xushmeeyo Diimaha qof walba uu aaminsan yahay, in la siiyo Sharciyo ay ku safraan, in la diiwaan geliyo dadka Qaxootiga, in la tixgeliyo dadka qaxootiga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Qabuuro ay dadka geeriyooda ku aastaan iyo qodobo kale

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Athenis Ilyaas Xasan Cali ayaa isagana ka hadlay dhibaatooyinka iyo xaquuqda dadka Soomaaliyeed ee ka maqan, wuxuuna ka codsaday Dowladda Greeca in ay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqanto dadka Qaxootiga ah ee ku nool dalkooda

Ilyaas ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heysan wax xaquuq ah, Noloshada daruuriga ah sida, cuno, caafimaad, waxbarasho iyo hoy, waxaana intaasi u sii dheer buu yiri cabsida ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed oo ay ciidamada Booliska target ka dhigtay dadka Soomaaliyeed

Mas’uuliyiinta u hadashay Xisbiga KKE ayaa iyaguna wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka loola dhaqmo dadka Qaxootiga ah ee ku nool dalka Greeca, waxayna mas’uuliyiintaasi ay sheegeen in dadkaasi aysan heysan wax nolol la yiraahdo, qaarkoodna ay jiiftaan Xadiiqooyinka lagu nasto, halkaasi oo xiliyada qaar ciidamada Booliska ay ka qabqabtaan dadka Qaxootiga ah ee xiliyada habeenkii jiifta, waxayna balan qaadeen in hadii ay ku guuleystaan doorashada dalka Greeca ka dhici doonta in dadka Qaxootiga ah ay siin doonaan xaquuqdii ay lahaayeen

Jaaliyaddaha ka soo qeybgashay bandhiggaasi ayaa waxaa ay ka kala socdeen dalalka Somalia, Sudan, Bangaladhes, Falastin, Itoobiya, Erateriya, Gongo,Tanzania, Afghanistan, Ciraaq, Pakistaan iyo dalal kale oo dalalkooda ay dhibaato ka jirto, waxaana ay qowmiyad kasta ay soo bandhigeysay muuqaalo Hidaha iyo dhaqanka dalalkooda iyo sababaha ay ugu soo hayaameen dalkooda

Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka gashay qaabka ay isu soo abaabuleen iyo muuqaalada ay soo bandhigeen, iyadoo boor weyn oo ku xardhanaa Sawiro ka turjumaya Tahriibka iyo dhibaatada dagaalada sokeeye ee ka socda dalkooda ay halkaasi ku soo bandhigeen, waxaana u soo daawasho tegay Ajaaniibtii kale ee ka soo qeybgashay kulankaasi lagu soo bandhigay xadgudubyada iyo baahida dadka Qaxootiga ah ee ku sugan dalka Greeca




Omar Jama
Filed under: Wararka