Waftigii kasocday jaamacadaha Puntland, ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadaha dhaqan Magaalada Goteborg kadib booqashooyin mudo qaatay oo ay ku kala bixinayeen wadamada waqooyiga Yurub![]()
Waxaana waftigu ay Jaaliyadaha Reer Puntland ku dhiirigaliyeen kulana dar-daarmeen ka qayb qaadashada hawlaha Dib-U-Dhiska kaabiyada wax-barasho iyo caafimaad ee Puntland.
Sidoo kale ayaa habeenimadii xalay waxaa waftiga xaflad soo dhowen oo casho sharaf ah u sameeyey gabdhaha Jaaliyada Reer Puntland, kadibna haökaasi waftiga ugu soo jeediyey hadalo amaan iyo bogaadin ah oo ay uga mahadcelinayaan sida diiran ee loog soo dhoweeyey Magaalada Goteborg.
Gaba-gabdii ayaa waxaa waftiga la hadlay waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Sweden, ayadoo markii kulankaasi uudhamaadayna ay xubnaha waftigu u sii kala Ambaxeen Wadamada waqooyiga Ameerika iyo Meelo kale oo ay kulamo kuwaas lamid ah kula yeelanayaan Jaaliyadaha reer Puntland ee Ku dhaqan wadamadaasi, si ay ugu faah-faahinyaan xaalada dhabta ah ee Dalka kajirta, islamarkaasina ay ugu kuur gali doonaan hawlaha waxqabad iyo iskaashi ee Jaaliyadaha Puntland.
C/casiis “Sankubayo”
Filed under: Wararka