DAGAALO IYO DUQEYMO SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO GALABTA MAR KALE KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

Dagaalo iyo duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah ayaa galabta mar kale dib uga qarxay degmada Howlwadaag ee gobolka BanaadirRIIX

Dagaaldani oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ee Somaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa galabta waxa uu ka dhacay degmada Howlwadaag, dagaalkan ayaa intaa la ogyahay waxa ku dhintay Labo qof oo rayid ah, waxana ku dhaawacmay in ka badan 6qof oo iyaguna Rayid ah

Dagaalkan ayaa waxa uu socday daqiiqado kooban ,iyadoona dadka ku nool degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ay Warbaahinta u sheegeen in ciidamada dowlada KMG ee Somaliya ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku lahaayeen Kooxaha dowlada ka soo horjeeda halkaasi

Dhinka kale madfac ku dhacay degmada Xamar Weyne ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qofood oo rayid ah kuwaasi oo halkaasi ka adeeganayay sidaa aay sheegen dad halkaasi ku sugna, Degmada ayaan la aqoon waxa madfaca logu tuuray madama aysan wax dagaalo ah ka jirin halkaasi

Xaalada ayaa hada ah mid degan in kasta oo xili kasta la filan karo dagaalo kale oo ka dhaca Degmooyiinka magaalada Muqdisho