
Mac-hadka tababarka caafimaadka ee OTTI ayaa maanta shahadooyiin Gudoonsisay Arday ku guuleystay Imtixaankii Sanadkan kuwas oo gaaraysa ilaa 80 arday, Xaflada ayaa ka dhacday Xurunta Mac-hadka ee magaalada Muqdisho
Dhamaan ardaydaas ayaa in muddo ahba waxaa ay baranayeen laamaha kala gedisan ee uu caafimaadku leeyahay

Xafladii Shahadooyiinka lagu gudoonsinayey Ardeydan ayaa waxa ka hadlay Maamulaha Mac-hadka Caafimaadka Ee OTTI Dr Maxamed Macalin Ibraahim (Biikolo) isaga oo ka hadlay arrimo badan oo aay ka mid tahay Ahmiyada aay waxbarashadu u leedahay Abubadka yar yar, gaar ahan waxbarashada Caafimaadka oo u sheegay inay tahay mid muhiim u ah Dhalinta Somaliyeed xiligan madama lagu jiro xaalado aadag oo lo bahan yahay dad badan oo dhanka caafimaadka wax ka yaqano
Dr Biikolo waxaa uu xusay warbarashadu inay laf dhabar u tahay bini’aadamka, isagoona ku adkeeyay ardayda maanta qalin jebisay in aysan meel la fariisan oo ay ka faa’idaystaan aqoontooda
Sidoo Kale maamule ku xigeenka Mac-hadka OTTI Macalin Raase Axmed Xirsi ayaa isaguna halkaasi uga jeediyey Ardayda Khudbad isagu jirta Dardaaran iyo Guubaabo waxana u ardayda ka codsaday in Aay waxbarashada intaas aheyn balse loo bahan yahay inay sii wodan aqoontooda
Filed under: Wararka