Waxaa todobaadkan lagu qabtey caasimadda Dawlada Puntland ee Garoowe laba suxufi oo u dhashey dalka Faransiiska kuwaas oo la sheegay inay u shaqeeyaan Telefishan laga leeyahay Faransiiska![]()
Markii la qabanaayey ragan ayey la socdeen gaari nooca Mark Two ah waxayna ka soo raaceen Hargeysa, waxaana lagu qabtey Kontoroolka Galbeed ee Caasimada Dowlada Puntland
Weriyaasha ayaa sheegay in ay u socdaan Xeebaha Puntland, siiba magaalada Eyl si ay halkaas barnaamijyo uga sameeyaan Burcad badeeda
Agaasimaha Borotokoolka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdisalaam Xasan Ducaale ayaa sheegay in uu xiriir la soo sameeyay Safiirka Faransiiska ee u fadhiya dalka Kenya, waxayna ku heshiiyeen in ay u tarxiilayaan dalka Jabuuti, Halkaas oo ay hada gaareen labada suxuufi
Bishii April ayaa sidaan si la mid ah laba weriye oo u kala dhashey dalka Kuuriyada Koonfureed iyo Japan waxaa lagu qabtey Kontoroolka Garoowe waxaana dib looga tarxiiley dalka Kenya
Dowlada Puntland ayaa u sheegay weriyaashan in ay jebiyeen xeerka dalka iyaga oo aan wax ogolaansho ah u haysan ay soo galaan Puntland isla markaasna ay shaqooyin aan loo fasixin ka bilaabeen
Puntland ayaa tan iyo markii aay kooxaha burcad badeedu ka dilaceen xeebaha Somaliya waxay noqotay meel aad u soo jiidata Wariye-yaasha ka hawl gala Wakaaladaha Waweyn ee Dunida
Filed under: Wararka