Alle ha u naxariistee Waxaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Wariye Maxamed Yusuf Niiniile oo ka shaqeynayay Idaacada Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho
Wariyaha ayaa waxaa la sheegay in ay haleeshay Rasaas ka mid aheeyd kuwa la isku weydaarsanayo dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho xili uu marayay Isgoyska Jardiinka ee Magaalada Muqdisho, waxana si dhaawac ahaan ah loola caray Cisbitaalka Madiina halkaasi oo uu daqiiqado ka kadib ku geeriyooday
Allaha u naxariistee wariye Maxamed Yusuf Niiniile ayaa waxa uu ifka kaga tagay 1 Xaas iyo 3 Caruur ah waxa uuna idacaada Qur’aanka Kariimka ka shaqeenayay muddo 3 sano ah sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah saxafiyiinta ka howl gala Idaacada Qur’aanka Kariimka
Haddaba Hadan Nahay Bahda Somalifans.Net waxan tacsi Tiiranyo leh u direyna Dhamaan qoyska iyo ehelada Uu ka geeriyooday Wariye Maxamed Yusuf Niiniile allaah ha u naxariiste, waxana allaah uga baryeyna inu naxariistii janno ka waraabiyo Amiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Filed under: Wararka