Ilaa 3 Sargaal oo ka tirsanaa Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay saacado ka hor in uu bur buray Mamulkii Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan iyaguna ay ku biireen Ururka Xizbul Islaam![]()
Saraakiishan ayaa maanta waxaa ay shir jaraa’id ku qabtay Hoteel Galbeed ee Magaalada Ba/weyne waxayna shaaca ka qaadeen in gabi ahaanba uu meesha ka baxay Maamulkii maxkamadaha islaamiga ee tabacsanaa Dowladda KMG Soomaaliya ee ka arimi jiray Gobolka Hiiraan.
3-dan sargaal oo kala ahaa Madaxa Tababarada ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Sheekh C/naasir Jaliil Axmed iyo Taliyihii Airport-ka Magaalada B/weyne ee Ugaas Qaliif Airoport Sheekh Cusmaan Cabdule Barqadle iyo Taliye ku xigeenka ciidanka gurmadka deg dega ee Gobolka Hiiraan Sheekh C/laahi Garam-garam ayaa waxaa ay ku sababeeyeen burka burka Maxkamadaha Islaamiga ku yimid imaanshiyaha Ciidamada Ethiopia ee Gobolka iyo sidoo kale xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dowladda oo ay ku tilmaameen in faquuq ay sameeyeen.
Sheekh C/naasir Jaliil Axmed oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id isagoo ay garbihiisa fadhiyeen saraakiil hore oo ka baxay Maamulka Maxkamadaha ayaa waxaa uu xusay in xiligaani wixii ka dambeeya ay ku biireen Ururka Xisbul Islaam islamarkaana ay wataan ciidamo fara badan iyo gaadiidka Dagaalka oo ay la Daaalamayaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.
Saraakiishan iyo kuwo horay uga goostay Maamulka Maxkamadaha ayaa waxaa ay ugu baaqeen saraakiisha kale ee maxkamadaha islaamiga ee haatan ku harsan maamulkaasi in ay isaga soo tagaan oo ay ku soo biiraan kooxaha mujaahidiinta ee Dagaalka kula jira Dowlada iyo ciidamada shisheeye waxayna intaasi ku dareen in Maamulka Dowlada uu yahay meel laga diidanyahay in diinta islaamka la isku dhaqo.
Si kastaba ha ahaatee arintaani ayaa ku soo beegmaysa xili Xafiisyadii Maamulka Gobolka iyo kan degmada ay albaabada u xiranyihiin islamarkaana magaalada B/weyne laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan xoogaga iska soo horjeeda ee ku wada sugan gudaha Gobolka Hiiraan waxaana dhanka kale muuqato in wax maamul ah oo hada ka shaqeynayo Magaalada B/weyne uusan jirin iyadoona ay xusid mudan tahay in dhamaan Degmooyinka kale ee Gobolka Hiiraan ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeedo Dowlada marka laga reebo B/weyne oo qeyb ka mid ah joogaan ciidamada Dowlada.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo saraakiil ka tirsan maamulka maxkamadaha ka goostaan iyadoo ay horay isku casilay saraakiil ka tirsan Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan,waxaana ugu dambeeyay taliyihii Amniga ee Ciidamada Maxkamadaha islaamiga ee Magaalada B/weyne Sheekh Ibraahim Yuusuf Waxaana arintaani oo dhan ku soo beegmaysaa xili uu Gudoomiyihii Maamulka maxkamadaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu ku sugan yhaya Gudaha Magaalada Muqdisho sababo aan horay loo shaacinin awgeed
Filed under: Wararka