Tabaraha Kooxda Arsenal Ee Dalka Ingiriiska Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaday inu ku fekerayo inu iska casilo xilka Tababare-nimo ee Kooxda Arsenal

Winger oo la hadlayey Idaacada Radio Monte Carlo ayaa sheegay inu jeclyahay inu iskaga tago xilka Tababare nimo ee kooxda Arsenal, balse ma sheegin Wenger xiliga iyo Goorta u iska casilo doono Xilka Tababare ee kooxda Arsenal
Tababare Arsene Wenger oo u dhashay wadanka Faransiiska Waa tababaraha labaad ee ugu waqtiga dheer horyaalka Ingiriiska Marka laga reebo Sir Alex Ferguson Tababaraha kooxda Manchester United
Wenger waxa u tababare u noqday kooxda Arsenal Sanadkii 1997 waxana u kooxda ilaa hada tababare u yahay muddo 12 sanno ah
Ku Dhawaaqida Arsene Wenger u ku dhawaaqay inu iska casili doono Xilka Tababare-nimo ee kooxda Arsenal ayaa yimid kadib markii u guulo wax ku ool ah u keeni wayey sanadkan kooxda Arsenal isla markana aay in badan oo ka mid ah taageerayaasha Arsenal aay ku doodi in loo bahan yahay in Wenger xilka laga xayuubiyo
Filed under: Uncategorized