

Dhalinyaradaan Afarta ah oo isbuucaan guduhiisa qirtay in ay geysteen fal burcadnimo ah ayaa mid kasta oo ka mid ah waxaa laga jaray lug iyo gacan is dhaaf ah

Goobta uu ka dhacay Xukunkaani oo ay soo buuxdhaafiayeen boqolaal dadweyne ah ayaa Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxaa ay ka jirtay mid kasta oo ka mid ah dhalinyaradaasi Gacanta Midiga iyo Lugta Bidix

Wakiilka Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo goobta kula hadlay Saxafiyiinta ayaa waxaa uu sheegay in ay qaateen mas’uuliyadda Daryeelida iyo Nafaqeynta dhalinyaradaani

Sidoo kale Sheekh Cali Maxamed waxa u digniin u diray Dadka weli faraha kula jira Tuugnimada iyo falalka dhaca ah isaga oo sheegay in sidaa kuwan maanta logu fuliyey xukunka inay iyagana ugu fulin doonan

Waxay aheyd maalinimadii Isniinta markii Maxkamada xarakatul Shabaabil Mujaahidiin aay xukun ku riday dhalinyaradan maanta xukunka lagu fuliyey



Somalifans Online Kala Soo Xiriir Yusufcali@hotmail.co.uk
Filed under: Wararka
[...] XAKARATUL SHABAABIL MUJAAHIDIIN OO MAANTA KU FULISAY AFAR DHALINYARO AH XUKUN GACAN IYO LUG GOYN AH … [...]