Garasho waa tii xumaan kaa reebtee marna may noqon mid la is weydiiyey, docdan loo wada yaacay. Ma jidkii siraadbaa mise waa jab iyo halis?
Qofku waxa habboon in uu wax ku qaato waxa qayrkii ku dhaca. Waxase dhibaato aad u weyn ah haddii caqligaagu ku koobnaado inta ishaadu qabato, oo aad tiraado illaa aan dhiisha gunteeda soo taabto dhegahaygu wax maqli maayaan. Taas oo macneheedu yahay, u burburi , halligaadna ugu badheedh noloshaada calaf samada jira oo aan cidi ogeyn heliddiisa iyo waayidiisa toona, adoo u baabi´iyey hantidaadii iyo hadhiimaddii ubadkaaga. Waa halkay maahmaahda Soomaaliyeed ka lahayd: “Midho Guntiga kuugu jira kuwa geed saaran loo ma daadsho”.

Jidadka la soo maro iyo dalalka Yurub looga soo haajiro
Haddaba anigoo in mudda ah ururinayey dhibaatooyinka tahriibta lana kulmay bulsha weyn Soomaaliyeed oo aad u tira badan oo soo wada maray dariiqaa tahriibta, ayaa waxa ii caddaatay in ay tahay mid aan dhibtiisa lagaga bogan karin sheeko. Waxa mid walba oo ka mid ah dadkaas ama badankooduba soo xaraasheen wixii ay heli karayeen. Waxa dhacda in badankoodu aanay nafiba la soo dhaafin saxaaraha, jeelasha ama baddaba, iyagoo u dhintay siyaabo kala duwan,
Haddaba anoo dhawaan la kulmay awoowe aad u da’ weyn soona gaadhey Yurub, ayaa waxaa mucjiso igu noqotay oo aan naftayda weydiinayaa: Geela duqdiisii durdurisey aarankiisa maxaad u malayn?!!
Markuu iiga sheekeeyey socdaalkiisii dhibta iyo halaagga ahaa ee uu soo maray iyo qoomamada naftiisa daashatey markastuu xusuuto noloshiisii Soomaaliya iyo tuu maanta mutay iyo weliba isagoo waayey hankii iyo hanqaltaaguu u qabey Yurub, ayaa waxa ay iila muuqatay in aan dadweynaha la wadaago.
Hadaba howl Aduun badanoo, waayeel kafantiisii kasxumo dhaafisayna waad aragtaaye, qoomamamadiyo ciilkii aan ka qoray dhaaxajirkan dhaadhacaya waxaan u dhigay sedan:
1. Dayrtii Wacanayd & Darykii Bullo
Nin is qoolay qoomamo ma waayoo hirba hir buu kuu dhiibaaye, awoowahan tahriibta ah oo aan la kulmay iigana waramay tan iyo doobi ay Bullo siisay, hanti uu dayacay, doonni uu isku laalay, iyo Yuruboo ku doqnowdey, jeclaystayna inaanan magac dhabin, bal aynu ugu yeedhno: Dabyl Nuug.
Wuxuu hadalkiisii ka bilaabay, “haddaan dib u jaleeco deyrkii wacnaa iyo derejadii noloshayda markaan Soomaaliya joogey waa mid murugo igu abuurta mar kasta oo aan xusuusto daryeelkii habartayda, iyo siday ubadkaygu ii koolkoolin jireen, Kuwa aan dhalay iyo kuwa aan awoowayaal u ahayba. Duq taliyoo laga danbeeyana waan ahaa, duunyana waan dhinac joogey, dibjirna maan ahayne derintii Bullo iyo dadabtii aqalkayga duhur baan ka dhaqaaqay. Nin Shaydaan Durbaan u tumay iga dhe!
Belo waatii adoo nabad u yaal ruqaanso ku tiraadee ilaahay nimcaduu isiiyey ku cibaadayso garan waayey. Shaydaan nimuu hogaaminayaan maaro loo heline, anoo nabad u aal ayaa waxaa igu dhalatay “dhoof oo wax soo dhaqo”. Waxaan isugu sheekeeyay dharaaro badan ha maqnaane laba saddex sano wax soo xaaxaabso iyo xaqa Yurub laga helo, maxaase ka dambeeyay?
II. Dillaalkii Hantidayda iyo Dirirtii Xigaalkey
Anigoo in badan u guuxayey geeddi socodkaa, ugu danbayntii waxaan talo ku gunaanadey, gaadhiga iibi waxaad guntiga ku haysana u geeyoo jicsin ka dhigo. Haddaan dillaal diray degdeg baa gaadhigii layga iibsadey. Anoon cidna la socodsiin, isla labo cisho ka dib ayaan gaadhi gunta soo jaray. waxaa dhacday in gaadhigaan gaday laysku qabsaday oo nimankaan ka ii biyey loo tiriyey inay i dileen gaadhiguna dhac yahay. Waxaa meeshii ka dhacay gacan ka hadal rasaaseed oo dhaawac geystey. Warkii oo duulayaa isoo gaadhey, markaan la hadlay oo u sheegay inaan gaadhiga iibiyey waxba iguma khilaafine aroortii ayay ku soo waa beriisteen hudheelkaan deganaa laba wiil oo aan dhalay iyo adeerkood. Way isoo kexeeyeen sidii nin afduuba.
Walaalkay waxa uu ku taliyey in lay xidhxidho maadaama uu aaminsanaa inaanan dhammayn caqlina igu soo dhowaan. Gurigaygii magaalo qol ka mida ah ayaa laygu xidhay, dadna soo badey. Walaalahay waxay ku tashadeen in lacagtii layga qaado, laakiin lama socon inaan sii hor marsaday oo xawaalad sii dhigtay. Anna talo waxaan ku goostay inaan baas mariyo, Illaahse suu nookala badbaadiyaan ugu mahad celin.
Waxaan xidhnaadaba Bullo oo ahayd xaaskayga ayaa iga furtay meeshii laygu xidhay. Dhana maan eegine iyadoo qaylinaysa oo le “war Ilaahay ka baq oo shaydaanka iska naar” ayaan doclaabkaygii shanshada qabsaday, Nasiib wanaag anoon gaadhin halkaan is lahaa waad ka heli ayaa Ilaahay wuxuu ila kulmiyey gaadhi dhaqaaqa oo u socda halkii layga soo qabtay oo aan Itoobiya uga sii gudbi lahaa. Maba labayn talo e horaan ka raacay. Waxa aan mahad u naqaa markasta oo aan xusuusto Allihii iga badbaadiyey midaan dhalay iyo mid ila dhashayba.
III. Degidii Laashka iyo Duco aan la aqbalayn
Dabayl Nuug wuxuu soo dabbaashoo Itoobiya, Suudan, Liibiya, soo raftoba wuxuu yidhi: Hooyo sadexan oo isa sidatana cidla dhigoo ka carraabbay. Maxaa iiga dana naftaydaan tukubaddii u qaadiwaayee! Maxaan u qaban karaa?
Waxay ahayd, markaannu Liibiya soo gallay ayaannu annagoo badan isha kala hor marnay askar. Iyadoon qofna qof eegin ayaa la kala yaacay. Aniga iyo hooyadaa uurkale midna sidataa isku soo hadhnay. Illaa orod ma haweysan karee, waxaanu ku dhuumannay beer noo dhoweyd. Waxaannu halkayagii ku jirro habeen noo dun. Anoo karhayay oohintii ilmaha gaajaysan, waagii markuu beryey waxaan kula taliyey inay isii sugto oo aan cid doono illaa ma lugayn kartee. Haddaan in muddo ah soconayey waxaan ku soo dhacay laami weyn oo gawaadhidu is dhaafayso. Gacantaan taagtey. Qaar badani i dhaafe, midbaase isu kay taagey af garanmaayee daaqadaan iska furay anoo iska horraysiiyey $100 oo aan u taagey. Anoo farahaa kala hadlaya, dibn ugu noqon hooyadaa habeenada qatan ayaan ka dhaqaajay.
Dabayl Nuug, isagoo hadalkiisii wata ayuu raaciyey, hadal kuuma dhammayn karee waxaan ka soo shiraacday Liibiya anoo badda soo dhanbalay. Waxaannu soconoba markaanu qiyaastii kala badh nahay ayaa baddii nagu kacday. Waxaannu nafta kula eerannay markab. Laba sadex jeer ayuu mar walba naga cararay markaan usoo dhowaanaba. Mar danbuu noosoo diray laash yar. Iyagoon noo soo dhowaan ayay na weydiiyen waxaan nahay. Markaanu isu sheegnay ayay na siiyeen 60 ltr oo shidaala, life jacketyo iyo toosh weyn oo ay yiraadeen haddaad nafta u yaabtaan shida. Waxyse naga diideen inay na qaadaan.

Jasiiradda Malta ama sida lagu naanayso "Dhagaxa"
Markay illaa saacad naga sii maqnaayeen ayaa laashkaannu saarrayn si kedis ah u muquuray baddii. Aniguna bad daayoo berked baananba haweysan jirin. Dhagax degey baan ahay. Intay sii muquuraysey geeri kama cabsanoo waan is dhiibee dhibta iigu weyni waxay ahayd: Dhimataye denbigaad gashay Ilaahay naartee kugu geyn. Sababtoo ah anaa is halligey. Qof is isdileyna abaal marintuusu waa mid cad. Ashahaadadaan boobay aqbalkeedaaba shaki igaga jirey.
Waxaa ii xigtey laashkii oo degey iyo anoo sidii dhagaxa isu shubay. Naf baxaysaa waatii rafatee, kor markaan dhowr jeer usoo boodey nafina iga dhow dahay ayaan ku war helay anoo gacmaa wax la helay. Allaylehe mise waa laashkii oo dhinacaan ka saarrayni hooseeyo , gacmahaan ku adkaystay usagoo iga siisiibanaya, “Naf aan heddeedii dhamaaneey ha quusan”!
Allaan ku dhaartee kuma fekerin nolol danbaa kuu hadhay! Illaa haddana garan maayo (wixii ilaahay ku solonsiinayaan la seegine) sidaan laashka gacmaa ula helay.
Ninkii nagu wadey laashka dushuu uga baxay isagoo aad moodeysey inuu dadka ka illaashanayo. Waxaan is idhi nabsi ma raagee, saad miskiinnaddii uga roortay aarmuu kana kuu ridaa hadaad dagan tehee. Ilaahse kama dhigine wuxuu ku mashquulay toosh uu shidayey oo hadba doc u ifinayay.
Hadal yaan kugu daaline Ilaahay wuxuu noo bixiyey markab meesha oo nala kulmay. Markay na gureenna waxaanu weyney 8 qof. Dadka waxaa badbaadiyey lifej acketyaddii markabkii hore nasiiyey. Waxa nala keenay Jasiiradda Malta Ama “Dhagaxa”, waa magaca Soomaalidu Ula baxdee. Jeelbaa nalaku xereeyey , fariinna waa nalaga qaaday.
Mudo 6 bilood ah ka dib waxaan noqday ninkii u horreeyay ee la sii daayo.
Maalmilhii hore, dareen xun baan igu jiray oo waxaan filayey in daar cad iyo dabaqyo lay dejinaayo, balse waxaan iimaasaday teendho nin iga soo horeeyey layla wadaajey. Malta may noqon mid aan ku qanco, oo fuudkii gurigayga iyo fadhi isla waayey,
Waxaan go´aansaday inaan nooliga ka urursado oo Yurubta kale ka sii aado. Duq gaboobey cidi wax u dirsan maysoo shabaabkii baa tubane, ma shaqaan heli?
Muddo waxaan joogo oo halkaygii ku noolaado, nin aanu teendhada wadaagney ayaa i yidhi shaqaan kuu helee berri diyaar garow. Aad baan u farxay habeenkaana ma seexan, aroortiina horaannu iska raacnay. Ciddaan u shaqayn lahaa buu ii geeyay, waananu ku heshiinney waxaan qaadan lahaa.
S kastaba ha ahaatee waxaa la i geeyey shaqadaan qaban lahaa oo noqotay inaan ilaaliyo Doofaarro. Inkastoo jidhkaygu diidey, haddana waxaan isku qanciyey waar waxaad “Dhagaxa” ku dhaafto meesha ka ururso. Ha yeeshee markaan laba wiig ka shaqaynayey “Cagayarihii” ayaa waxaa bakhtiyey 2 ka mid ah. Ninkii I raacsaday markuu ogaadey ayuu debedda ii tuuray isagoon dhididkaygiina I siin, oo weliba iigu daray cay iyo hanjabaad. Markaa “Doofaar raacidaydiina dullinimo uun baan kala huleeley”.
IV. Debedmeerka Yurub iyo hal Dardaaran ah

Goob Talyaanigu ku hayo dadka tahriibta ah
Si kastaba aan ku helee waxaan isu soo ururiyey xooaa nooli iigu filan, rafiiq badan oo Soomliyana waan helay. Waxaan soo gaadhey ugu horrayn Itaaliya. Taan halkaa ku soo arkay wax laga sheekayn karo ma’aha. Qofku isagoo Eebbe karaameeyey inuu is kadeedaa ma fiicna. Sidaan u arkay, nolosha Itaaliya waxaa dhaanta geerida. waxaa lagu nool yahay guryo ama ha laga dhinto ama si kaleba ha u madhnaadeene la jabsado, suuliyo urayoo aan biyo lahayn, gogol iyo laydhna daa hadalkood. Weji dhaqa aroortii caagadaa lagu sii dhaan sadaa fiidkii.
Waxba yaan ku dheeraan e duqaygii daandaanka ahaa ayaaba u noqday dadkaan meesha kula kumay Xaaji soo degey. Halkaa waxaan ka sii korodhsaday huq iyo hammi hor leh”.
Dabayl Nuug wuxuu daba dhigay hadalkiisii: “haddaan Itaaliya ka soo sadcaalay socodkaygii kuma guulaysan oo Norwey markaan soo gaadhey waxaa la ii sheegay inaan “Online ahay!!! Waa eray loo isticmaalo dadka faraha meel Yurub ka mid lagaga qaaday. Kumaan hakane, waan ka cararay Norwey anoo markanna u heenseeyey xagga Sweden, bilaabayna xirfadaha xoqidda faraha. Tass oo illaa haatanna aan wado, waa xoqiddiiye. Swedena bishiiba 2 jeer ayay iga qaaddaa faro, siday iiga hadhaana waa adag tahay. Waxaan hadda sugayaa jeel dadka la geeyo oo lagaga illaaliyo xoqidda faraha. Waxa ii qorshaysan, haddii farahayga la helo inaan Yurub waa badantee midba mid uga gudbo. Waxa hadda la ii sheegay meel ay Soomaalidu ula baxday “Godka”, waana Swizerland. Waayo, waxa la ii sheegay in aan meeshaas farana lagua qaadin, sharcina laga bixin. Laakiin bariiska laga helo. Waa iska nooloow inta naftu kugu jirto. Allaylehe way u heleen magacaas. “Nin god galay geeriyoo”.
Dabayl Nuug isagoo og inuu naftiisa waxa haysta sababteeda isagu lahaa maantana meel uu ka noqdo joogin, waa suu isagu u arkee” haybsanayona god iyo geeri sogor dahan, ayaa wuxuu hadal ku gunaanadey

“Waxaan maqli jirey maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysey “ Waayeel wuxuu cunaana waa dhuuni wuxu yiraahdaana waa dardaarane, anoo maanta xaalkaygu yahay “Nin daad qaaday xunba cuskey” Waxaan Oranlahaa ku wax qaata qayrkiin. Illaahow Noo gargaar.
Waxa aan sheekadan ku soo gabagaynayaa tix aan ka tiriyay xogwaraysigii aan la yeeshay Dabayl Nuug:
Geydha caaneheediyo halkay gogoshu ii tiilley
Geyi wacan Gu´ iyo roob Ilaah nagu gedaan yeelay
Galab qudha ninkii goohayoo gees maraan ahaye
Gacalkiyo xigaalkey waxaan gudub u weydaartey
Gurdan raaci ila rooray iyo taladi aan goostay
Naf inaan ku gooyaan jeclaa gooha Yurub doone
Waase lagu go´doomaa dhulkaan guusha soo bidaye
Goortaan cagaa soo dhigoon gurasho eegaayey
Gowlaliyo hurgumo dhiiq dayoo waa galoof madhane
Gu´ yartiyo haween guri le iyo uunkii wada guurey
Guclahay wadeen waan arkoo guul ma ay heline
Gurgurkiina dhaansada ragbaa gaday naftiisiiye
Yurubna how Gabraartegina yaan Geeridiin badane…
WQ. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
Filed under: Uncategorized