BARCELONA OO U DHOW IN LA WAREEGTO DAVID VILLA IYO CHELSEA OO LA SOO WAREEGTAY BRUNO ALVES


Naadiga Kubada Cagta Ee Barcelona ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u dhow tahay in ay la soo wareegto Xiddiga lagu guuldareestay In uu Real Madrid ku biiro waa David Villanew

Wargeyska ka soo baxa Dalka Spain Ee Sport cadadkeedii saagay soo baxay ayaa waxaa lagu shaaciyey in Naadiga Bercelona ay soo afjari doonto saxiixa Villa markii uu ka soo laabto Wadanka South Africa iyadoona Xulka Spain ay Ciyaari doonaan Kaalinta 3aad Ee Koobka Qaaradaha iyadoona Labada Xul Caawo Ciyaari doonto midkood ay la Dheeli doonaan.

Tababraha Naadiga Bercelona Guardiola ayaa waxuu David Villa u argaa Weeraryahan badal wanaagsan u noqon kara Eto oo la fialyo in uu isaga hayaamo Naadiga Bercelona.

Naadiga Bercelona ayaa waxey Naadiga Valencia u bandhigtay 45Million oo Euro iyo in ay kala doorato labada Ciyaaryahan midkood oo heshiiska Qeeb ka noqon doonoBojan Krkic iyo Martin Caceres.

Warar ku dhow dhow Ciyaaryahan Villa ayaa waxey sheegayaan In Ciyaaryahan Villa uu wakiilkiisa Luis Tamaqrou uu Ogalaansho uu ku aadayo Bercelona siisay.

Villa ayaa rajadii uu ka lahaa in uu ku biiro Real Madrid ay burburtay isbuucan ka dib markii la isku afgaran waayey Qiimahiisa.

Si kastaba ha ahaatee Naadiga Bercelona ayaa kaliya waxey sugee Kulanka Spain ugu haray Koobka Qaaradaha si ay u soo afjarto Saxiixa Xiddiga Villa.

# Chelsea Oo La Soo Wareegtay Bruno Alves

Sida Uu Shaaciyey Chanal 4 Ee Dalka Talyaaniga laga leeyahay Ciyaaryahanka Daafaca Kaga Ciyaari jiray Naadiga Fc Port Bruno Alves ayaa waxuu si rasmi ah ugu biiray Naadiga Chelsea.

Bruno Alves oo 27 jir ah ayaa waxey Naadiga Chelsea kula soo wareegtay Lacag gaareyso 21 Million isagoona noqonaya saxiixii 1aad Ee Naadiga Chelsea Ee Xagaagan waxuuna badal toos ah u noqonayaa Laacibka lagu wado in uu mar kale ka hoos Ciyaaro Macalin Morinho Ee Ricrdo Carvalho.

Si kastaba ha ahaatee Naadiga Chelsea ayaa waxey Tartan Culus kala kulantay Labada Naadi Ee ka Dhisan Spain waa Real Madrid iyo Bercelona ee ku aadanaa saxiixa Daafacan Reer Purtiqiis ninka lagu magacaabo Bruno Alves

 

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers