BEESHA WACABUUDHAN ABGAAL OO SHEEGTAY INAYSAN RAALI KA NOQON DOONIN CIIDAMO SHISHEEYE OO DIB UGU SOO LAABTA DALKA SOMALIYA

Beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in aanay marnaba raali ka aheyn in ciidamo shisheeye ay dib ugu soo laabtaan gudaha Somaliya xili dowladda KMG ay dhawaan arintaasi codsatay

OGAYSIIS – MUCTAMARKII 5-AAD EE AHLU SUNNA WALAJAMEECA OO KA FURMAYA MAGAALADA GOTEBORG CAASIMADA LABAAD EE SWEDEN

Waxaa Magaalada Goteborg, caasimada labaad ee Dalka Sweden lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo maalinimada 27-28-jun 2009,ee bishan aynu ku jirno Muctamarkii 5-aad, waxaana dhaamaan la ogasiinayaa in ay Muctamarka sannadkan ay kasoo qaybgali doonaan culumo si weyn looga yaqaano, gudaha iyo dibbedda Dalka soomaaliya 

MAS’UULIYIIN SAR SARE OO SOO GAARAY MAGAALADA BALADWEYNE EE XURUNTA GOBOLKA HIIRAAN (Faah Faahin)

Ilaa 3 xubnood oo isugu jiro xildhibaano iyo Sargaal sare oo dhinaca ciidanka ah ayaa maanta duhurkii soo garay gudaha Magaalada B/weyne kuwaasi oo la sheegay in ay sii wadi doonaan howlihii Amniga ee uu ka dhintay Wasiirka Amniga Qaranka Marxuun Cumar Xaanhi Aadan oo 18kii bishan fal ismiidaamin ah lagu dilay isla Magaalada B/weyne

FAAH FAAHIN KHASAARAHA DAGAALKII MAANTA EE MAGAALADA MUQDISHO

Degmada kaaraan ee gobolka banaadir ayaa maanta waxa ka dhacay dagaalo goos goos ah halkaasi oo hore dagaalo kharaar ugu dhex mareen ciidanka Xarakatul shabaabil mujaahidiin Iyo Waliba Kuwa Dowlada KMG ee Somaliya

MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE ”AQOONSIGA WAXA KA HOREEYA OO KA MUHIIMSAN DHAQAALE LA HELO IYO WAXQABAD… ”

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tegay dalka Kuwait uu madaxda dalkaas kala hadlay inay Somaliland ka caawiyaan wax ka qabashada Waddooyinka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha

ODAYAASHA IYO SIYAASIYIINTA GOBOLADA BAY IYO BAKOOL OO CAMBAAREYN U SO JEEDIYEY MAXAMED IBRAAHIM XAABSADE

Odayaasha Iyo Siyaasiyiin Gobolada Bay Iyo Bakool ayaa waxaa ay cambaareyn dusha uga tuureen hadal dhowaan ka soo yeeray Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee DKMG ah Maxamed Ibraamhim Xaabsade

RABBIYOW NOOO GARGAAR (Faallo)

RA’IISAL WASAARE ATO MELES ZENAWI OO SHEEGAY INU XILKA KA DEGAYO

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itobiya Meles Zenawi ayaa wareysi uu siiyay jariidad ka soo baxda dalkiisa ku sheegay in ay tahay xiligan markii ay talada dalka qaban lahaayeen dadka u heelan

BURCAD BADEED SOMALIYA OO SII DEYSAY MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA UKRAINE

Kooxo burcad badeed Somali ah ayaa siidaayey markab laga leeyahay dalka Ukraine kaasi oo ay heysteen muddo ku dhow labo bilood, Wasaarada arrimaha dibada ee Ukraine ayaa xaqiijisey in markabka oo ay la socdaan 18 shaqaale oo u dhashey dalka Ukraine ay sii daayeen kooxaha burcad badeeda habeenimadii xaley

MAGAALADA GAALKACAYO OO DAD KU DHINTEEN KUWANA KU DHAAWACMEEN ISRASAASEYN KA DHACDAY MAANTA

Israsaaseyn ka dhalatay gaari kooxo burcad ah aay doonayeen inay dhacan ayaa waxa aay maanta ka dhacday xaafada lagu magacaabo Xafatul Carab ee magaalada Gaalkacayo

XARAKATUL SHABAAABIL MUJAAHIDIIN OO MAANTA FULIN DOONA XUKUN GACAN IYO LUGA GOYN AH

Shalay ayaa maxkamada Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin waxay ku riday xukun dhalinyaro Afar ah kuwas oo lagu soo eedeyey falal aay ka mid yahiin Tuuganimo, Kufsi iyo waliba Dhac dadka shacabka ah

SIYAASADII CABDULLAAHI YUSUF EE SHALAY IYO TAN SHARIIFKA EE MAANTA IYO DOORKA PUNTLAND (Faallo Xasaasi Ah)

Giraanta ama cajilku waa mid iska soo daba noqonaya, shalay waxa ay ku xasuusinaysaa maanta waxa taagan, caruurta iyo dadka aan meel dheer wax ka arag, waxay aragtidooda ku soo koobaan shalay ninkii saan ahaa sow maaha, Shalay ninkii sidaas yiri sow maaha, anagu bogsanoo baareey ayaan tumanaynaa ee boowe Shariif iska barooro, arintuse sidaas [...]

ROQUE SANTA CRUZ OO SI RASMI AH UGU BIIRAY MANCHESTER CITY IYO WARAR SPORTS OO GOOS GOOS AH

Naadiga Kubada Cagta Manchester City ayaa waxey si rasmi ah ula soo wareegtay Weeraryahanka u dhashay Wadanka Paraguay Roque Santa Cruz ,  Weeraryahanka 27 jirka ah ayaa waxuu xalay si wanaagsan ugu baasay tijaabadii Caafimaad ee la marsiiyey isagona mar kale ka hoos ciyaari doono Macalinkii ay horay iskula joogeen Naadiga Blackburn Mark Hughes

FADLAAN CAAWI – GABADH YAR OO MADAXA BIYO UGA JIRAAN DALKANA WAX LOOGA QABAN WAAYEY (Sawiro)

Inkastoo Qadarta Alle loo baahanyahay in lagu Samro ayaa hadana waxaa jira dad uu Illaah Imtixaan dhanka Nolsha ah oo ku marsiinayo Dunida dacaladeed,Waxaan halkan idin kugu soo gudbinayaa sawiro iyo aqbaar buuxda oo ku saabsan gabar yar oo Soomaaliyeed oo la il daran xanuun xagga madaxa ah islamarkaana wax looga qaban karin dalka guduhiisa 

GUDOOMIYAHA DEGMADA BALANBALE OO SHEEGAY IN CIIDANKA ETHIOPIA EE KU SUGAN DEGMADAASI AAY FASAX KA HEYSTAAN DOWLADA KMG

Maamulka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmadaasi ay ku joogaan Fasax ay ka heystaan dhanka dowladda KMG  

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers