REFEAL BENITEZ ”IIB MA AHAN MSCHERANO” IYO WARAR KALE OO CIYAARAHA AH


javier

Natiijooyinkiii Kulamadii Isreebreebka koobka Adduunka Ee 2010

# Qaarada yurub: xalay iyo shalay galab waxaa qaarada yurub ka dhacay kulomo aad iyo aad u xiiso badan oo loogu soobaxayey isreebreebka koobka Adduunka Ee 2010 lagu qaban doo South Africa waxaana xalay kulamadii ugu xiisaha badnaa wada ciyaaray wadamada England Vs Andorra ciyaartaas waxey ka dhacdey Garoonka weyn Ee magaalada London ku yaala Ee lagu magacaabo Wembley Stadium ayaa waxuu ingiriiska ku xasuuqay Andorra 6-0 taaso ingiriska ka dhigey in 7 kulan uu ciyaaray uu wada badiyey iyadoo macalin Capello ay taas u tahay iskoor hadaba guushii xalay ingiriska ayaa waxey ka dhigaysaa in England ay u baahantahay hal dhibic oo qura kulanka ee ciyaari doonto.
Sidoo kale Xulka Serbia ayaa xalay gul muhim ah gaaray ka dib markii uu 2-0 ugu awood sheegtay xulka Faroe Islands iyadoo taasi ay ka dhigantahay in Xulka Serbia uu 8 dhibcood ka horeeyo Xulka ay sanadkaan ka jajabantahay Ee France.

Haddaba waxey natiijadii oo dhameestiran noqotay sidan

Macedonia 2 Iceland 0

Sweden 4 Malta 0

Ukraine 2 Khazakhstan 1

Finland 0 Russia 3

Faroe Islands 0 Serbia 2

Holland 2 Norway 0 (Holland Goolsha waxaa u dhaliyey:andre ooijer iyo robben)

England 6 Andorra 0 ( England Goolasha waxaa wada qeebsadey Weyne rooney, frank lampard, Rooney, jermain defoe oo labo goal isku xigata dhaliyey iyo Peter Crouch)

# Dhanka Koonfurta Amerika waxey xulalka ciyaaren Isreebreebka koobka Adduunka Ee 20010 lagu wado in lagu qabto koonfur afrika:

Xulka Arjentiina ayaa ay qatar ku jirtaa u soo bitaankisa koobka adduunka ee 2010 ka dib marki uu xalay la kulmay guuldaro labaad mudo sadax kulan ah iyadoo ay 2-0 ugu badisay Wadanka Ecuador Xidigaha Maradona uu horboodo ayaa waxey xalay iska qasaariyeen fursado badan waxaana ugu fiicneed Rikooradii Teves uu ka qasaariyey laakin wey awoodiwaayeen in ay xitaa goal dhaliyaa.
Wadamada Brazil iyo Chile ayaa horey u qaaday tilaabo ay ugu soo baxayaan Koobka Adduunka Ee 2010 ka dib markii ay guulo waaweyn gaaren.
Brazil ayaa waxey 2-1 ku xasuuqdey Paraguay waxeyna Brazil goolasha ka kala heshay Robbinho iyo Nilmar.halka ay Chile ay 4-0 ku dubatay Bolivia.
hadaba waxey xulalka u isku haleeleen sida tan

Ecuador 2 Argentina 0

Colombia 1 Peru 0

Brazil 2 Paraguay 1

Venezuela 2 Uruguay 2

Chile 4 Bolovia 0

Sida ay xulalka u gala horeeyaan waa sidan:

1:Brazil 27Dhibcood
2:Chile 26Dhibcood
3:Paraguay 24Dhibcood
4:Arjentina 22Dhibcood
5:Ecuador 20Dhibcood

Qubanayaal Sports Oo Goos Goos Ah:

#Rafeal Benitez “Iib Ma ahan Mascherano”

Tababaraha Naadiga Liverpool Rafa Benitez ayaa waxuu sheegay in uusan marnaba iib aheen xidigiisa Mascherano ee u Dhashay Dalka Arjentina.

Benitez ayaa hadalkaan ka soo yeeray ka dib marki ay Naadiga Barcelon dalab u soo bandhigtay Laacibkiisa Mascherano Dalabkaas oo ahaa kala badalasho ciyaartoy.
Banitez oo lahadlayey Majalada Echo ayaa waxaa uu yiri.

“Beec Ma ahan Mascherano qiimo kasta oo naloo keeno isaga ayaan la hadlay dhowr mar oo ay ugu danbeesay isbuuci la soo dhaafay waxuuna ii sheegay in uu halkaan ku faraxsanyahay”

Benitez ayaa waxuu intaas ku daray in wakilka Mascherano uu labo dalab ka kala helay labo Naadi

Javier Mascherano ayaa Naadiga Liverpool ku soo biiray sanadii 2007 ka dib marki u si amaah ah ugu soo wareegay Naadiga Westham Ee dalka England ka dhisan oo uu lix bilood qarow ah ku soo qaatay Westham balse tan iyo intii uu ku soo biiray Naadiga iverpool oo xagaagii dhawaa si toos ah Milgiyadisa ula waregatay Si aad ah ugu dhex muuqday isagoo booska ka xirtay Xidiga Reer Spain Ee Xavi Alonso

#Naadiga Manchester City ayaa waxey dooneysaa Xiddiga Naadiga Real Madrid Garabka kaga ciyaaro Ee Arjen Robben una Dhashay Dalka Holland

Sida ay sheegtay The sun oo ah Wargeys ka soo baxa Dalka ingiriiska waxey Manchester dooneysaa in ay Naadiga Real Madrid u bandhigto Lacag 7 Million oo Bond si ay u hesho Laacibkii hore Ee Naadiga Chelsea waxeyna Manchestar la kulmi doontaa tartan kaga yimaado Naadiyada Liverpool iyo Ac Milan

Robben ayaa Naadiga Real Madrid kaga soo iibsatay Naadiga Chalsea lacag gaarayso 24 million oo Bond labo sano ka hor waxaana inta badan hareeyaya dhaawacyo soo noqnoqday

 

Sir Hussein Mohamed Abdulle ( Hussen Dowlo)

Somalifansports@gmail.com

Somalifans Sports

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers