CHRISTIANO RONALDO OO KU SII JEEDA REAL MADRID

 

Christiano Ronaldo

Sidaa laga soo xigtay Bogga Internet ka ee Rasmiga ah ee kooxda Manutd ayaa lagu sheegay in Ciyaar yahanka Christiano Ronaldo Aay u Fasaxi doonto inu ku biiro kooxda Real Madrid

Manchester United ayaa sidoo kale sheegtay inay ciyaar yahanka Ronaldo aay ku iibin doonto Adduun dhan £80Million , taasi oo ka dhigi Ronaldo Xiddiga ugu qaalisan Adduunka lacagta oo u dhiganta $131Milion oo Dollar

United ayaa u Fasaxday Kooxda Boqortooyada Spain inay Wada hadal la furi karto Christiano Ronaldo, waxana la filaya inu asbuucan u wareego Kooxda Real Madrid oo hore ulaa wareegtay Xiddigii Reer Brazil Iyo Kooxda As Milan Kaka

Ciyaar yahanka C. ronaldo ayaa ah 2008 ku guuleystay Xiddiga Dunida waxana u magacaabay Ururka Fifa

Manchester United ayaa hore uga iibisay kooxda Real Madrid Xiddigo aay ka mid yahiin David Beckham Iyo Waliba Ruud Van Nistel Rooy

 

Somalifans Sports

 

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers