ABWAANKA CAANKA AH MAXAMED IBRAAHIM WARSAME HADRAAWI AYAA LAGU DARAY LIISKA DADKA MAGACA IYO KARAAMADA KU LEH DUNIDA

Hadraawi

Abwaan Hadraawi, oo ah hal abuur caan ah, waxa lagu daray bogga dadka dunida magaca iyo saamaynta ku leh ee wakhtigooda u huray arrimaha bulshada sida nabadgelyada, xuquuqal insaanka iyo bini-aadminimada  

My Hero

Sida lagu muujiyay bogga MyHero.com, Abwaan Hadraawi waxa lagu maamuusay oo lagu sharfay badweynta suugaantiisa iyo kaalinta uu ka qaato nabadgelyada iyo xoojinteeda. Waxa tusaale uu boggani u soo qaatay safarkii nabadaynta ee uu Hadraawi sannadkii 2003 ku maray dalka Somaliya, isagoo ugu baaqayay inay colaadda joojiyaan oo ay nabadgelyo u hub qaataan

Boggu waxa uu xusay in Abwaan Hadraawi, oo ah nin cod ku dhex bulshada Somalidu, uu safaro ku saabsan nabadaynta ku tagay qaarado kala duwan oo dunida ah sida Yurub iyo Maraykanka

Waxa kale oo uu My Hero, muujiyay sida ay Somalidu u qadariso ee ay u ixtiraamto maansooyinka iyo gabayada iyo weliba heesaha ka soo maaxday maskaxda Abwaankan, oo ay sheegeen inuu sannadkii 1999-kii ka soo guuray qaaradda Yurub, ka dib markii ay nabadgelyo buuxdaa ka tisqaaday wadankiisa Somaliland oo uu hadda degenyahay

Boggan dadka ku jira waxa ka mid ah Mr Koffi Anan oo ahaa xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay oo lagu xushay kaalinta uu ka qaatay xoojinta nabadgelyada adduunka iyo weliba xorriyatal qawlka

Waxa kale oo shakhsiyaadka boggan ku jira ka mid ah Mr Jimmy Carter oo ahaan jiray Madaxweyne soo maray dalka Maraykanka, oo isna lagu xushay sida uu wakhtigiisa ugu huro arrimaha bini-aadminimada

Dadka magaca iyo karaamada ku leh dunida ee boggan Abwaan Hadrawi kula jira waxa ka mid ah Mr. Martin Luther King, oo ahaa halgamaagaadii iyo geesigii u kacay dadka Madow ee Maraykanka ku nool

Madaxweynihii hore ee Masar Anwar Saadaat, ayaa isna ka mid ah dadka ku jira boggan My Hero

Sidoo kale waxa ka mid ah Maxamed Al-Baraadici oo ah Agaasimaha guud ee hay’adda Nukliyeerka Adduunka

Mohandas K. Gandhi, oo isna ahaa halgamaa halgan salmi ah dalkiisa Hindiya ugaga xoreeyay gumaystihii Ingiriiska ayaa sidoo kale boggan ku jira.

Gabadha barnaamijyada caanka ah samaysa ee Oprah, oo u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa iyaduna ku jirta bartan internetka, waxaana la sheegaa inay tahay gabadha ugu mushaharka badan leh dunida

Wargeyska geeska Africa

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers