ODAYAASHA HAWIYE IYO AQOONYAHANA KONFUURTA SOMALIYA OO SII WADA JIR AH DOWLADA ETHIOPIA UGU EEDEEYEY DAGAALADA KA SOCDA SOMALIYA

gudoomiyaha aqoonyahanada baydhabo

Shir jaraa’id oo u qabtay Afhayeenka golaha dhaqanka Iyo midnimada beelaha hawiye Dr Siraaji ayuu sii weyn ugu eedeeyey dowlada Ethiopia iyo waliba dowlada KMG ee somaliya, isaga oo ku eedeeyey dagaalada ka socda magaalada moqdisho iyo waliba hub urursiga iyo abaabulka qabiil ee ka socda gobolka hiiraan, Golaha Odayaasha ee u madaxa ka yahay Suldaan Dhoore ayaa ku tilaamay dowlada KMG ee somaliya mid aan waxba kaga duwaneyn midii Md. Cabdullaahi Yusuf, iyaga oo sidoo kale sheegay inayba ka daran tahay tii Madaxweyne Yusuf iyaga oo sheegay middi hore inaysan dadka shacabka ah cunaqabateyn ku soo roogin balse tanu xayiraad ku soo rogtay dekedddaha iyo Airporti-yada dalka

Sidoo kale Afhayeenka odayaasha hawiye ayaa ku baaqay in mudaaharado laga dhigo dalka somaliya dhamaan kuwas oo loga soo horjeedo cunaqabateeynta la saaray dekeddaha dalka somaliya qeybtood

Dhanka kale Golaha Aqoonyahanad Konfuurta Somaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay iyaguna magaalada Baydhabo ayaa sii weyn u cambaareyey Ergeyga Somaliya u qaabilsan xoghayaha Guud Ee lagu magacaabo Ahmedou Walad Abdalla iyaga oo sheegay inu ku fashilmay arrimaha somaliya loona bahan yahay inu iska casilo xilka

Sidoo kale Golahani ayaa waxaa ay dagaalada ka socda magaalada Moqdisho ee u dhexeeya dowalada KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan dowladaha Ethiopia, Kenya iyo Eritrea hase yeesheen ay dhibka ugu weyn ka danbeeyaan dowlada Ethiopia sidaa aay hadalka u dhigeen

 

Somalifans Online

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers