MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND MUDANE DAAHIR RAYAALE KAAHIN OO SOCDAAL LAMA FILAAN AH KU TEGAY MAGAALO MADAXDA GOBOLKA SAAXIL EE BERBERA


riyaale

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa galabta safar aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera

riyaale

Safarkaas Madaxweynuhu ku tegay magaalada Berbera, ayaa waxa ku wehelinaya Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadiisa, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee magaalo-madaxda Gobolka Saaxil.

Waxaana Madaxweynuhu halkaas u tegay in uu kuur-gal ku sameeyo xaaladaha kala gedisan ee nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada ku halkaasi dhaqan, isla markaana in uu kor-meer ballaadhan ku soo sameeyo geedi-socodka shaqo ee dekada. ”Madaxweynuhu waxa uu magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera u tegay in uu kor-meer guud ku soo sameeyo xaaladaha nololeed dadka halkaas ku nool, sidoo kale waxa uu Madaxweynuu socdaalo ku soo maridoonaa Dekada, Cusbitaalka iyo meelaha kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada ku dhaqan magaalada” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani oo saxaafada ugu waramayey isaga oo ku sugan magaalada Berbera.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi ”Madaxweynuhu intii uu ku soo jiray jidka, waxa uu soo maray Dugsiga tababarka Booliska ee Mandheera, waxaa uu si weyn loogu soo dhaweeyey oo uu soo maray Tuulada Sh. Abdaal ee gobolka Saaxil”

Afhayeenku waxa uu shegay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa la socdayba la dejiyay oo ay caawa u hoydeen Guriga martida ee Magaalada Bebera, waxaana galabta ku soo dhaweeyay Madaxweynaha oo ka soo galbiyay badhtamaha Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee magaalada Berbera oo aan hore loo sii shaacin ayaa ku soo beegmaya xili lagu gudo jiro wakhtigii kulaylaha, isla markaana ay adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha Gobolka Saaxil uu marayo meeshii ugu hoosaysay.

Madaxweyne Daahir Rayaale, waxaa magaalada Berbera ugu dambaysay muddoo ilaa saddex sannadood la joogo, ka dib markii uu halkaas soo dhagax-dhigay warshadii wan-jalka ah ee meel ay ku dambeeyeen aan ilaa hada lahayn dadkii ballan-qaaday in ay dhisayaan.

C/shakuur Xaaji Muxumed C/shakur heersare

Source Oodweynenews.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers