CIIDANKA AMISOM OO MUDDO 8 BILOOD AH LOGU DARAY WAQTIGII HORE

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi u caawa ku yeeshay magaalada New Yorka waxay ugu kordhiyeen ciidanka Amisom muddo 8 Bilood ah inay dowlada KMG ee Somaliya sii caawiyaan

Golaha amaanka ayaa isku raacay in ciidanka Amisom logu daro waqtiga madama u waqtigu ka dhow yahay, Dhowan ayey aheyd markii midoowga africa ku baaqay in ciidanka Amisom la taageero taasi oo qaramada midoobay ka jawaabtay isla markana caawa sheegtay in dhaqaale Malayiin dollar ah aay ugu deeqi doonan ciidanka Amisom sii aay hawlaha shaqo u sii gutan, Sidaasi waxa u sheegay warbaahinta Safiirka Dalka ingiriiska u jooga Qaramada Midoobay isaga oo sheegay in loo bahan yahay in la qalabeeyo ciidanka Amisom ee dalka ku sugan sii aay uga hortagan kooxaha dowlada ka soo horjeeda ee islaamiyiinta ah

Ciidamada Amisom ayaa ka kooban 4 kun oo askari oo ka kala socda Burundi iyo Uganda kuwaasi oo ka caawinaya xukuumada KMG sidii ay ugu hortagi lahayd islaamiyiinta ka soo horjeeda, Haddaba go’aanka caawa ayaa sii weyn waxa u soo dhoweeyey Ciidanka Amisom iyo Midoowga Africa oo ku sheegay talaabo wanaagsan, In kasta oo go’aanka aay aad uga xun yahiin shacabka somaliyeed gaar ahan kuwa ku nool magaalada moqdisho iyo konfuurta somaliya

 

Somalifans Online

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers