WARBIXIN ETHIOPIA IYO SOMALIYA OO ISKA INDHA TIRAY IN CIIDAN ETHIOPIA AH AY KU SUGAN YAHIIN QEYBO KA MID AH GOBOLKA HIIRAAN IYO XALADAHA DEGAANKA KALABEYR

ciidanka-ethiopia

Ciidanka Ethiopia Ayaa maalintii labaad jooga degaanka kalabeyr ee gobolka hiiraan, ciidanka ethiopia ee halkaasi ku sugan ayaa la sheegay ina wotan ilaa 10 gaari oo nooca dagaalka ah sidoo kale waxa la sheegaya in aay ka dambeyaan boqolaal ciidamo ah oo kale kuwas oo ku daba jira ciidankan hor socodka ah

Dadka degaanka ayaa la soo sheegaya inay bilaabeen inay ka barakacan halkaasi, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalo halkaasi ka dhacan madama ururka alshabaab u degaano ka mid ah gobolka Hiiraan ku sugan yahiin, sidoo kale dadka barakacayaasha ah ayaa la soo sheegaya inay qeybtood soo gaaren degmada beledweyne ee xurunta gobolka hiiraan iyaga oo halkaasi biday nafta

Ciidanka Ethiopia ee ku sugan degaanka Kalabeyrka ayaa la soo sheegaya inay bilaabeen hawl galo baaxadleh kuwas oo aay baaritano kaga wodan degaanka iyaga oo guri guri u galaya xafadaha degamada kalabeyr

barakat

Dhanka kale dowlada Ethiopia Iyo Mida KMG ee somaliya ayaa sii indho la’aan ah u beeniyey wararka sheegaya in ciidan Ethiopian ah u soo gaaray degaanada gobolka Hiiraan, Afhayeenka dowlada Ethiopia Ahna la taliyaha dhanka Ammaanka ee Ra’iisal Wasaare Eto Meles Zenawi, oo lagu magcaabo Bereket Simon ayaa sii weyn u beeniyey wararka sheegaya in ciidanka Ethiopia aay gudaha u galeen gudaha dalka somaliya, Mr Simon ayaa sheegay in ciidanka ethiopia aay ku sugan yahiin xududaha wadanka Ethiopia u la wadago dhanka somaliya balse marna aysan gudaha uu gelin dhinaca somaliya

Dhanka kale Farxaan Cali Maxamud oo ah wasiirka Warfaafinta dowlada KMG ee somaliya ayaa sheegay isaguna inaysan jirin wax ciidan ah oo ethiopia ka socda oo soo galay gudaha dalka somaliya

Farxaan Cali ayaa sheegay in ka dowlad ahaan aysan waxba kala socon ciidamo Ethiopian ah oo soo galay gudaha dalka somaliya, balse ay suura galtahay in ay adkeynayaan islamarkaana difaacayaan xudoodooda maadaama dalka Somaliya ay dagaalo ka socdaan sidaa u hadalka u dhigay

Hadalada ka soo baxaya Addis Ababa Iyo moqdisho ayaa ah kuwa isku mid ah aadna moodo in la isla socdo madama labada dhinac aay leyahiin xiriir wacan, waxayna labada mas’uul ee u kala hadlay somaliya iyo Ethiopia aay sii indho la’aan ah beeniyey wararkaasi, kuwas oo u muqda kuwa cad oo loo wada jeedo balse aay ku jirto siyaasad dahsoon

 

Somalifans Online

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers