ALSHABAAB OO WEERAR CULUS KU QADAY CIIDANKA AMISOM, IYO MADAAFIIC LAGU QAARACAY XAFADAHA DADKA SHACABKA AH OO KHASAARO DHALIYEY

mujaahid

Dagaalkani oo xalay saqdii dhexe ka dhacay isgoyska Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Burundi ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Moqdisho ayaa bilowday kadib markii Ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen halkaasi

Dagaalka oo socday waqti saacad ka badan, la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu bilowday kadib markii weerar lagu qaaday fariisinka ciidamada Burundi ay ku leeyihiin Kuliyaddii Jaale Siyaad waxaana bar barsocday dagaalkaasi madaafiic culus oo ay labada dhinac is weydaarsanbayeen,

Madaafiicda ayaa intaa badan ku dhacayey xafadaha dadka shacabka ah aay degan yahiin iyada oo aay ku dhinteen intaa la ogyahay labo qof halka aay ku dhaawameen in ka badan 5 qof oo dhamaan ah dad rayid ah, ciidanka Amisom gaar ahan kuwa burundi ee halkaasi ku sugan ayaa la sheegay inay madaafiicda ku garaacayeen xafadaha dadka shacabka ah kadib markii la soo weeraray

Dhanka kale dagaalada xalay ka dhacay qeybo ka mid ah moqdisho ayaa la sheegay sidoo kale inay ka dhaceen dhankii jaamacadii hore ee Ummada halkaasi oo aay iskaga horyimadeen ururka Alshabaab iyo ciidanka Dowlada KMG iyo kuwa Burundi ee halkaasi ku sugan

Dagaalkan xalay ka dhacay Magaalada moqdisho oo dhexmaray ciidanka Amisom iyo kuwa ururka Alshabaab ayaa daba socda dagaalo maalmahan dambe ka socday magaalada moqdisho, Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay sii wodi doonan weerarada aay ku qadayan ciidanka Amisom iyo kuwa dowlada KMG ilaa dalka laga saarayo Cadowga illaahay sidaa aay hadalka u dhigeen

 

Maslaax Cabdi

Somalifans Online