AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILADN OO GABADH SUXUFIYADA GACAN SAARAY IYO URURKA SUXUFIYIINTA MIDOWGA SUXUFIYIINTA SOMALILAND OO CAMBAAREYEY FALKAASI FOOSHA XUM

wariye

Ururka Midowga suxufiyiinta Somaliland USJ ayaa sii kulul u cambaareyey falkii foosha xuma ee u shalay ku dhaqaaqay Afhayeenka madaxtooyada JSL, kaasi oo fal ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa suuban kula dhaqaqay gabadh wariye ah oo lagu magcaabo Muuno Casayr oo ka shaqeyn jirtay Talfeeshinka SLSC iyo idaacada madaxa banaan Ee Horyaal, Iyada oo ka qaybgalaysay xuskii loo sameeyey dabaal degii 18 May ee lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyada
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed aay U ururka midowga dalada suxufiyiinta somaliland soo saartay, kaasi oo isaga oo faahfaahsan u qornaa sidaan Hoose ….

”Daladda Midowga suxufiyiinta Somaliland ee USJ waxay si kulul u canbaareynaysaa falkii foosha xumaa ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu kula kacay suxufiyada Muuno Casayr oo ka tirsan telefishanka Somaliland Space Channel (SLSC) iyo Idaacada Madaxa Banaan Ee Horyaal
Falkaas uu afhayeenku kula kacay inanta suxufiyada ah waxa uu ahaa mid ka baxsan anshaxa iyo akhlaaqada mas’uuliyadeed oo uu qof ummad xil u hayaa kula kaco gabadh suxufiyad ah oo mihnadii shaqo gudanaysa
Waxayna Daladu u aragtaa falkaa foosha xun ee uu Afhayeenku ku faro saaray Muuno Casayr ee uu kaladhka inta uu qabtay uu u tukhaantukhiyey si xun oo ka baxsan dhaqanka islaanimo iyo ka Somalidaba mid xadgudub qaawan ku ah xuquuqdeeda suxufino iyo dhaqankeenaba, waxaanay daladu ugu baaqysaa Madaxtooyada inay talaabo ka qaado falkaa uu gaystay Afhayeen Siciid Cadaani Mooge, isla markaana raali galin laga bixiyo

mustafe
Waxa kale oo daladu cambaareynaysaa xadhigii la gula kacay Weriye Mustafe Maxamed Cabdi (Jannaale) oo ka tirsan shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, kaas oo in ka badan 9 saacadood si xaq-darro ah ugu xidhnaa saldhiga Dhexe ee booliska
Dalada suxufiyiinta USJ waxay ka digaysaa xadhiga iyo tacadiyada lagula kacayo suxufiyiinta gudanaya mihnadooda shaqo ee qaranka u adeegaya”

 

Faafin Somalifans.Net